Madaxweyne Xassan Sheekh Oo La Kulmay Ergeyga Cusub Ee Mareykanka Uga Wakiilka Ah Soomaaliya

Muqdisho  (SM) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wakiilka cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxweynaha.

C/raxmaan Yariisoow  ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, amniga iyo xoojinta dhaqaalaha Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Intii ay wada hadallada labada dhinac socdeen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa ergeyga cusub uga war-bixayay horumarka wada-hadallada ka socda Addis Ababa, shirar dowladda ay horraanta bisha September qabanqaabinayso inay ku qabato magaalada Muqdisho iyo xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Danjire James P. McAnulty ayaa kulanka ka sheegay in dowladdiisa ay ka dhabbeyn doonto aqoonsiga dowladda Soomaaliya, ayna diyaar u tahay inay caawiso dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay September 2-6 magaalada Muqdisho ku qabato shir qaran oo ku saabsan siyaasadda dalka, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan maamullada dalka, siyaasiyiin, qurbo-joog iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dowladda Mareykanka ayaa dowladda federaalka xiriir wanaagsan la leh, waxaana ay kol hore sheegtay dowladda Mareykanka in mudo 22 sano ah kadib ay rasmi ah u aqoosatay dowladda xiligan ka jirta Soomaaliya oo ay sheegtay xukuumada Washington in ay tahay mid ku timid hab sharci ah.

image