Magaalada Addis Ababa ee Wadanka Ethiopia waxaa ka soconaya Wada hadalo u dhaxeeya Dowlada Somalia iyo maamulka Jubaland kaas oo haatan ku dhow heer gaba gabo ah

juball

Hadaba waxaa soo baxaya Qodobo horudhac ah oo laga soo sheegayo goobta Shirka uu ka soconayo waxaana inta badan la sheegayaa in la isku fahmay Wada hadalada labada dhinac.

Qodobada la isku fahmay iyo kuwa kale ee la isku mari la’ yahay:

1-In dowladda lagu soo wareejiyo inta dhimman maamulka Jubbalad oo uu ku jirro xubnaha maamulka iyo sida ay loo soo xuli doono.

2-In go’aan kama dambees ah laga gaadho magaca rasmiga ee loo bixinaayo maamulka loo dhisaayo seddaxda gobol ee kala: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Waxaa jirra warar sheegaya in la soo jeediyay in la saxiixo qoddobada lagu heshiiyay, dibna loo dhigo labadan qoddob ee ilaa hadda la isku mari la’yahay.

Sidoo kale, wafdiga dowladda waxa ay maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ka codsadeen in madaxweyne ku-xigeenka Jubbland laga badelo Cabdilaahi Ismaacil Fartaag loona dhiibo qof kale oo ka soo jeeda beelaha degga seddax gobal.

Tani waxaa lagu macneeyey gor gortan Dowlada in ay ku dooneyso inay saameyn ballaaran ku yeelato maamulka Axmed Madoobe, ayada oo rumeysan in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay isku dhinac yihiin aysan marnaba wasiiro ay ku yeelato saameyn yeelan karin.

Si kastaba, waxaa jirta biseel ka muuqda labada dhinac iyo tanaasul, waxaana laga yabaa in caawa ugu dambeesay uu soo baxo heshiis rasmi ah.

Waxii ku soo kordha kala soco Wararkeena Dambe.