Masuuliyiin Ka Tirsn Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dayactir La`aanta Garoonka Diyaradaha Ee Borama Iyo Markab Ay Puntland Soo Diiday Oo Berbea La Keenay.

 

Hargeysa(SM) Aug.20, 2013-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, Axmed Muumin Seed ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay inay ka caga-jiidayso ka qayb qaadashada dhismaha garoonka diyaardaha ee magaalada Boorama,garoonkaas oo dadwaynuhu ay si balaadhan ugu heellan yihiin inay arkaan isagoo shaqaynaya kana mid ah garoomada Somaliland ee ay diyaaraduhu istimaalan.
Axmed Seed ayaa eedayntan kusoo beegay xilli dhismaha garoonka ay lacago ugu yabooheen haween qurbojoog ah, isla markaana xaflad loo qabtay billowga dhismihiisa ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Awdal.
“Garoonkan diyaardaha Boorama wuxuu ka mid yahay garoomada aan helin wax dayactir ah oo ku yaalla Somaliland, waxaan sidan u leeyahay dowladdu waxba kama qaban diyaarna uma aha wax ka qabashada garoonkan sida muuqata. Waxaa nasiib-darro ah in reer Awdal oo kaliya ay qabsadeen kulan ay kaga tashanayaan dhismaha garoonkan,” ayuu yidhi Axmed Seed oo intaas ku daray: “Xukuumaddu waxaa uga wakiil ah garoomada wasaarad, kamana soo qaybgelin masuuliyiinteedu kulankan, waana dhaliil muuqata oo aan la iska indho-tiri karin.”
Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay Markab raashin deeq ah keenay dekedda Magaalada Berbera, kaasi oo Turkigu ugu deeqay Maamul Gobolleedka Puntland, balse uu dib isagaga celiyey sababo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkaasi. Waxa kale oo uu ka hadlay markab dhawaan ku gubtay dekedda Berbera oo lagu guuldaraystay in la bakhtiiyo, inkastoo shaqaalihii ay ka samatobaxeen.
Dhinaca kale xisbiga WADDANI Afhayeenka Waddani, ayaa sheegay in Markabkan siday raashinka dekedda Boosaaso laga celiyey ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay dekedda Berbera, taasina ay markhaati u tahay in ilaa hadda beesha caalamku aanay kala saarin deeqaha Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah ee ay Somaliland ugu talogaleen ay Muqdisho soo marinayaan.
Afhayeenka Waddani,
ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Markabkaasi wuxuu yidhi “Heshiisbaa jiray dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo xukuumaddu inoo sheegtay inuu dhigayey in wixii mucaawinooyin ah ee beesha caalamku ugu talogashay Somaliland inaan haba yaraatee aan loo soo marin Soomaaliya, laakiin arintani waxay muujinaysaa inaan arintaa waxba ka jirin, oo dawladda Turkiga ama beesha caalamku wixii ay deeq ah ee ay Somaliland ugu talogashay ay u soo marinayso Soomaaliya, Markabkana waxa soo habeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya isla-markaana ay ugu talo-gashay maamul Goboleedka Puntland, khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay awgeedna Puntland u celisay, dabadeedna waxay noqotay in Somaliland lagu wareejiyo, markaa taasi waxay caddaynaysaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xidhiidheen sida Markabkaasi loo maamulayo ama Berbera loo keenayo, waxayna caddaynaysaa in dawladda Turkigu wixii ay Somaliland ugu talo-gashay ay soo marinayso dawladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasina maaha mid sharaftii iyo karaamadii Somaliland kor u qaadaysa oo heerkii loogu talo-galay gaadhsiinaysa”
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxa kale oo uu sheegay “Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland wuxuu sheegay in deeqda Markabkaasi sido lagu caawin doono gobollada bariga Somaliland, arintaasina waxay caddaynaysaa dariiqii markii hore loogu talo-galay in Puntland lagu soo wareejiyo oo gobollada bariga Somaliland la gaadhsiiyo, in hadda dekedda Berbera loo soo wareejiyey oo halkii markii hore ay ku socotay ay toos u tageyso, taasina waxay muujinaysaa in xidhiidh wadashaqeyneed ka dhexeeyo madaxda xukuumadda Somaliland iyo madaxda Muqdisho fadhida oo ay ka wada xidhiidheen sidii Markabkaasi loo keeni lahaa Berbera” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo cad inaan beesha caalamku kala saarin deeqihii Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana wixii deeq ah in Somaliland ku socda la soo marinayo dawladda Soomaaliya sida tan imika dhacday” ayuu yidhi afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Salaanmedia/Hargaysa