Maxaad ka Taqaan Dr Muho Daahir Faarax Jire (Xidigta cusub ee qarnigan kasoo mudhey Qaarada Africa)

image

Dr. Muha waa inantii qarniga rabi ku maneystey maskax,maamuus,miyir,aqoon,daacadnimo,dadaal iyo xushmad,sharaf iyo daganaan waxaan muha ku aqaan qof jecel bulshada waa qof qarnigan lagu xasuusankaro dadaalka iyo horumarka ay sameysey oo ay ku kasbatey wanaaga nafteeda iyo bulshada dhexdeeda marwalba ka muuqdey waa qof jecel inay dadku gaadhaan horumar oo caawisa waana ta maanta heerkaa gaadhsiisey.

Sanadii 2005 waxay ka mid noqotey shaqaalii ugu horeeyey ee tvga SLNTV sanadaas oo aheyd sanadkii uu tvgu soo galey hawada waxa markaa aykamid noqotey labadii wariye ee dumar ahaan ugu horeeyey tvga qaran iyadoo inanta labaadna aheyd Shaadiya Maxamed Rooble ,runtii anigu muha waxaan ku xasuustaa anagoo aheyn shaqaalahaa 2005 ka bilaabey Tvga SLNTV waxay aheyd inan runtii aad udadaal badan oo shaqaalaha ay lashaqeyso ka mudneyd tixgalin iayadoo ay xiligaa 2005 ay tiro yaraayeen shaqaaluhu qiyaas ahaana ay ahaayeen isugey 20 shaqaala ah Muha Daahir waxay tvga usoo hurtey naf iyo dhiig iyo xiligaas oo aan xasuusto waayihii adkaa iyo bilowgii oo ay udhabar adaygtey.

eeeeed

Sanadii 2006  waxay shaqo kabilowdey jaraa’idka Subsaharan ee Africa ugu weyn ee ka soo baxa dalka Itoobiya kaas oo markii ay ka bilowdey shaqada runtii ay aad ula dhaceen aqoonteeda iyo heerka ay ka gaadhey saxaafad ahaan iyadoo bulshadaa jaraa’idkaa iyo maamulkuba ay ku xasuustaan howlkarnimo iyo daacadnimo iyadoo ay aad ula yaabijireen wanaaga iyo firfircoonaanta ku dheegan iyo qalbigeeda wanaagsan sanadii 2007 waxay uqaabilsaneyd arimaha diplomasiyada iyo siyaasada ee jaraa’idkaa Subsaharan ee Africa ugu weynaa.

eeeeed

Markii la arkey firfircoonaanteeda  ayaa 2008 waxay xidhiidh dhow oo wada shaqayna  la sameeyey Dowlada Itoobiya, Djibouti sanadii 2009 waxay noqotey  Gudoomiyaha suxufiyiinta Ee qaarada  Africa (Journalists for African Renaissance) runtii waxaa ururkan aas aasey labadan dal ee ethopia iyo Djabuti waxaanay qabatey kaalin aaney inan da’daasi wali gaadhin oo ay howshaana sidii loogu talo galay uqabatey iyadoo fikrado badana kusoo kordhisey oo ahaa waxyaabihii saxaafada xorta ah kor uqaadey.

eed

Sanadii 2011 waxaa Muha lagu maamusey Shahadada Doctorate ka ah oo dalka Mauritius ah taasi oo ay ku muteysatey dadaalkeeda iyo horumarka ay sameysey waxaanay ka midnoqotey dadkii tirada yaraa ee qaban qaabiyayaasha ka ahaa una ololeeyey ictiraafka South sudan waxaa taa udheeraa iyadoo ka heshey Shahado kale  dalka Nigeria ka dib doorashooyinkiisii madaxtinimada ee Goodluck Jonathon taasi oo ay madaxweynihii Nigeria  oo ayAU kala shaqeysey  wafti loodirey.

eed

07/08/2013 Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Ghana Marwo Hanna Tetteh oo ka wakiila madaxweynaha dalka Ghana mr. John Mahamma ayaa umagacowdey Safiirka dalka Ghana ee Arrimaha Bini’aadamnimada Dr. Muha Daahir Faarax Jire waxaanay madaxda dalka gaana sheegey inay tahey Xidig kasoo baxdey Qaarada Africa iyadoo ay sheegeen inay markii shanaad timi dalka Ghana iyadoo ka qeyb qaadaneysa arimaha bili’aadamnimada waxaanay  islamarkiiba ka qeyb qaadatey oo ay xadhiga ka jartey xarunta agoomaha magaalada Accra oo ay Qaramada midoobey iyo haayada CAT ay cunto iyo dawooyin uqaybinayeen.

rt

waxaad halkaa ka arkeysaa wanaageeda iyo dadaalka ay muujisey oo ay kugaadhey heer iyadoo ay xiligii uu madaxweyne riyaale heystey ay u fududaanjirtey inay ku xidho madaxda somaliland shirka AU ee lagu qabto sanadkiiba mar kaas oo ay xiligii Riyaale Somaliland ay ku yeesheen Ergey uga qeyb gala una bandhiga Qadiyada iyo gooni isutaaga somaland mararbadana laga sheegey aheydna markii ay ugu dhaweyd taas oo ay iyadu aad uga shaqeysey waxaa intaa udheer oo ay wali ushaqeysaa Tvga qaranka SLNTV oo ay wariye ka tahey iyadoo ilaa sanadaa 2005 ilaa 2013 kamid tahey wariyayaasha tvga qaranka .

dgz

Guntii iyo Gabagabadii waxaan leeyey hablaa reer somaliland ku deyda oo waliba isku daya inaad fursad ka dalbataan ay idin siiso macluumaad si aad faa’ido uga heshaan noqdana dumar qalbi wanaagsan sida Dr. Muha Daahir Faarax waxaan ana ilaahey uga rajeynayaa inuu rabigu usii siyaadiyo oo ay gaadho horumar kaa kasii badan oo ay sii wado Aamiin.

Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe.

Salaanmedia.com

London office.