Maxadka Faafinta Diinta Islaamka oo Muxaadaro Wacyi galina u Qabtay dhalinyarada Burco.

Maxadka Faafinta Diinta Islaamka oo Muxaadaro Wacyi galina u Qabtay dhalinyarada Burco.

Burco (SM)- Maxadka  faafinta diinta  islaamka  ee  Somaliland , ayaa  laba  boqol iyo koton  ah dhalinyarada dugsiyada   iyo   jaamacadaha , muxaadaro  wacyigalin ah ugu qabatay   magaalada   Burco ee  xarunta  gobolka togdheer.

Muxaadaradan  oo  muhiimadeedu    la xidhiidhay  ka wacyigalinta   dhalinyarada  tahriibka ,isqarxinta , waalid inkaarnimada , ayaa  waxa  ka soo qaybgalay  masuuliyiinta   gobolka, madaxda  maxadka  faafinta  diinta , culimo diin  iyo  marti sharaf badan  ayaa  lagu  qabtay  huteel  Deero ee magaalada Burco.

Gudoomiyaha   maxadka  faafinta diinta islaamka  Sh.Maxamed  Cabdi  Yuusuf   Mooge ,oo  kulankaas  ka hadlay  ayaa dhalinyarada  ku adkeeyay  inay maankooda ka saaraan  inay   tahriibaan oo    nafahooda  ku halaagaan  badaha , balse  aaminaan  in risiqa  eebbe u qoray  ka helayaan  halkay  joogaanba. “ Kolay  waxaan inat badan ka  wacyigalinaa  dhalinyarada  tahriibka , isqarxinta , waalid caasinimada,  haseyeeshee  waxa hada   sii badanaya   tahriibtii  bdhalinyarada , tahriibtuna  waa dad risiq raadinaya ,ilaahayna  markii  uu qofka abuuray  ee 120-habeen jiray, ayuu  qoray  naf walba  risiqeeda  iyo waxay noqon doontaba,sidaas awgeed  hadaad socoto  iyo hadii kaleba wixii eebbe kuu qoray  wax ka badan  heli maysid  ee naftiina ha  halaagina  ee  joojiya  tahriibka  oo  ku  qanca    wixii  eebbe  kuu  qoray  oo ku suga dalkiina.” Ayuu yidhi.

Sh. Mooge   waxa uu  ku dheeraaday   halista  tahriibku  leeyahay  , Isagoo  tilmaamay  inay ka  roon tahay  adigoo dhulkaaga   aamina  oo  waxa uun ka qabta  .

Isuduwaha  diinta iyo Awqaafta  gobolka Saaxil  Sh. Saleebaan Siciid  ,waxa uu  muxaadaradaas  ka sheegay  arimaha kaliya ee diinta islaamku ogashahay  in loo  tago  dal   islaam ahayn  “ Diinta islaamku  waxay  cadaysay in   sadex  dariiqo kaliya lagu tagi karaa dalal aan islaam ahayn ay  yihiin  , In Caafimaad  loo tago  ,Cilmi  looraadsado (Hadii   laga heli Karin dal islaama) , iyo    in lagu faafiyo  diinta  islaamka ,wixii intaas ka baxsan ma ogala diinteenu”.Ayuu yidhi  Sh.Siciid.

Waxa  kale oo Sh. Siciid  ku wacyigaliyay dhalinyaradaas    in ilaalinta  amniga  iyo ka fogaanshaha   is qarxinta,waalid inkaarnimadu  tahay  waajib  saaran  saaran  oo looga baahan yahay .

Muxaadaradan  wacyigalinta   oo ahayd mid si weyn loo  soo agaasimay ,waxa kale  oo ka hadlay   Maxamed Xandule Xasan , Sh.Bashiir  Bedel  Cabdi  iyo  xubno  kale , kuwaa soo  dhaliyarada  u jeedeeyay  muxaadarooyin si faahfaahsan u iftiiminaya  halista   iyo khatarta  tahriibku  leeyahay, iyo  in  aanay banaanayn  in nafta  la haligo.

Muxaadaradan  loo  qabtay dhalinyarada   dugsiyada  iyo jaamacadaha burco  ,ayaa  ahayd  mid  si  weyn u soo jiidatay  quluubtii  dhalinyaradaas , fahmayna   waxbadan oo  aanay  hore  uga  ogeyn  halisaha  tahriibka, isqarxinta iyo  waalid caasinimadu.

Maxadaka faafinta  islaamka  ,ayaa  muxaadarooyin wacyi galina oo  noocan  oo  kale ah u qabta  dhalinyarada gobolada   Somaliland .

Salaanmedia/Burco

xigasho togdheernews

 

Togdheernews..Burco