MAXAMED-KEYSE: Ruuxii hanuunee
* Xaqa hoos u eegaa * Ku hagaaga guushoo
* Hadimmada adduunyada* Rabbi bowga hiishoo…
Hoodo
* Ruuxii hanuunee
* Xaqa hoos u eegaa
* Ku hagaaga guushoo
* Hadimmada adduunyada
* Rabbi bowga hiishoo
* Waxa lagu hibeeyaa
* Hoodada wanaaggoo
* Ifka wuxuu ku haystaa
* Sida ugu habbooniyo
* Huwashada xaqiiqdee.
* Adduunyadan hayaanka ah
* Marka laga huleelana
* Waxa lagu hagaajaa
* Hillimmada fardowsoo
* Hablo xuurar-caynaa
* Is hareera taagoo
* Wuu ka hawl yareystaa
* Hooggii adduunkoo
* Hoygii samaantiyo
* Hadhuubkii naciimaa
* Loogu hagar baxaayoo
* Ku hurdaa xariiroo
* Hanka wuxuu ka doonaba
* Hoo lagu yidhaahdaa.
Maxamed-Keyse