Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Dheer Ku Ridday 22 Dhalinyaro Ah Oo Ku Kacay Kufsi Wadareed

Aug 4, 2013 Hargeysa(SM) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta xukuntay 22 dhalinyaro reer Hargeysa ah oo kufsaday 2 hablood xili ay ku socdeen salaadiin Taraawiixda ee bisha Barakaysan ee Ramadaan. Dhalinyaradan oo maanta la horgeeyay Maxkamadda Gobolka, ayaa xukumay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), waxaanu mid walba ku xukumay 10 sanadood oo xadhig ah, marka laga reebo mid lagu xukumay shan sano oo maqane ahaa.

Guddoomiyaha oo xukuka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sharaxay xukunka dhalinyaradan waxaanu yidhi “Waxa la noo keenay 21 eedaysane, dhammaatood maxkamadda horteeda way ka qirteen inay dambigaa galleen (inay kufsadeen 2 hablood), aniga hortayda ayay ka qirteen, qofku markuu sidaa wax u qirtana qiraalkiisa ayaa lagu xukumayaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu midkiiba ku xukunay 10 sanadood oo xadhig ah”. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 22-ka mid ka mid ah oo aan maxkamadda joogin ay ku xukumeen shan sanadood.

Salaanmedia/ Hargeysa Office