Mudane Madaxweyne Hambalyo; Waxaad Qaaday Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhda kuu geli doonta!

Mudane Madaxweyne Hambalyo; Waxaad Qaaday Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhda kuu geli doonta!

 maqaal

 

|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr||UK|

 

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Axmed Mohamed Mohamud (Silaanyo), iyo dhammaanba hawl-wadeenada golaha Xukuumadda taasoo aan ugu hambalyeynayo Bixinta Derejada Qaybaha Ciidamada Jam. Somaliland taasoo uu M/weynahu ka dhabeeyey ballanqaadyadii ay Xukuumaddiisu la gashay Ummadda JSL , run ahaantiina waa Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhi ah. Waxa kale oo aan M/weynaha iyo Xukuumaddiisaba ku hambalyeynayaa horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo kartida iyo kalsoonida ay muujiyeen muddadaa saddexda sannadood ah ee ay talada dalka hayeen. Waxaanan ALLAH (sxwt) uga baryayaa inuu dhammaantoodba ku asturo oo uu ku guuleeyo xilka iyo masuuliyadda ay ummadda u hayaan. Aaaamiin.

 

  1. 1.   Go’aan u hiiliyey inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee Dalka Difaacaya!!

 

Madaxweyne waxaad ka rumaysay arrin muddo 22 sannadood ah u muuqatay Riyo iyo Male-awaal aan weligeed rumoobi doonin. Waxaad ku dhiirratay  arrin ay ku dhici waayeen oo ay ka maageen 3 Madaxweyne oo talada iyo hoggaanka dalkan kaaga horreeyey. Waxaad muujisay hal-adayg iyo tayo hoggaamiyenimo oo aad si xaq ah u diiday fikirka qaldanaa ee ay dadka qaar aaminsanaayeen ee muddada 22 sano ah Ciidamada Qalabka sida iyo Difaacayaasha cadowga ka horjoogay inay helaan derejadii iyo dallaacaaddii ay xaqa u lahaayeen ee ay inta badan u samrayeen. Fikirkaa qaldan oo odhanayey: “Ha lagu saleeyo Bixinta Derejada Ciidamada beelnimo, madaama ay dhici karto in beeluhu ku kala badan yihiin qaybaha Ciidamada.” Madaxweyne markii aad si cad u diiday inaad qaadato fikirkaa qaldan, waxaad u hiilisay inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee difaaca dalka duurka ugu jira!

 

Madaxweyne tallaabada geesinnimada leh ee aad qaaday, ee aad in ka badan toban kun oo ka mid ah Qaybaha Ciidamada Qalabka sida ee JSL ku taxday derajooyinkii ay xaqa u lahaayeen ee ay muddada 22-ka sannadood ah ka dhur-sugayeen, oo welibana aad ugu dartay gunnooyinkii la socday derajada; waa dhacdo taariikhi ah oo aan Ummadda JSL hore u soo marin. Waa tallaabo ka dhinnayd hanaanka dawladnimada Qaranka JSL taasoo aad adigu dhammaystirtay. Waa arrin adiga iyo xukuumaddaada u geli doonta Sooyaalka Taariikhda aan duugoobin, in badanna lagugu xasuusan doono. Waa go’aan-qaadasho geesinimo leh oo salka ku haysa dal jacayl qoto dheer oo dhab ah. Waa go’aan marag-iyo-qiraalba u ah sida ay kaaga go’antahay inaad ka midho dhaliso himilada iyo hiigsiga qaybaha kala duwan ee Ummadda Jam. Somaliland.

 

  1. 1.   Nabaddu waa Nolol, Noloshuna waa Nabadda.

Wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee Ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto ayeynu ku soo caano-maalnay oo uu dalkeenu kaga soo gudbay maraxalado iyo waaye aad u adag. Nabadgelyada iyo horumarka ka jira JSL ma aha wax ay cidi inoogu yaboohday. Waa Ummadda Jam. Somaliland kuwa samaystay nidaamka, kala-dambaynta, dimoqraadiyadda iyo horumarka ka jira dalkeenna. ALLAH mooyee ma jirto cid kale oo aynu mahad ugu haynaa.

 

Waxa kale oo dhaqan suuban oo ummadeena lagu tilmaansado ah in siyaasiyiinta u dhashay JSL (aan idhaahdo hadda ka hor) ay mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad ummadooda siyaan, oo ay hankooda iyo damacooda siyaasadeedba uga tanaasulaan halka ay danta ummaddoodu ku jirto.

 

Nabaddu waa Nolol, Noloshuna waa Nabadda. Nabaddu waa saldhigga horumarka bulshada, ka dhaqaalaha, ka dhaqanka, ka aqoonta, iwm. Nabaddu waa Sado iyo Sareedo ALLAH ummaddiisa ku gallado, waxana inagu waajib ah inaynu RABBI uga mahad-celino. Nabaddu waxay u baahan tahay in la daryeel oo dayaca laga ilaaliyo.

Ciidamadu waa Dal-jirka iyo Difaacayaasha jiritaanka Ummadnimo, iyaga  la’aantoodna ma dheelli-tirna sharafta iyo karaamada ay umadi leedahay. Waa iyaga kuwa difaaca cadowga ee naftooda u hura halis iyo khatar kasta oo dalka iyo dadkaba la soo derista. Ciidamada Qalabka Sidaa waa Astaan Qaran iyo tu Ummadnimo ee maaha qabiil iyo beelo midnaba. Waxay u dhaarteen inay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga dibedda iyo ka gudahaba. Ciddii ku fikiraysa in Ciidamada qaab beelo ah lagu saleeyo, waxaan u arkaa Caqli Gurracan iyo Garasho aan Sax ahayn.

 

Mudane Madaxweyne, Waxaan kun jeer kugu soo hambalyeynayaa Tallaabadaa Taariikhiga ah ee aad u qaaday dhanka horumarka ummadnimo. Marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee aad ku tallaabsatay muddadaa kooban ee aad xilka haysay. Mudane Madaxweyne; Sooyaalka Taariikhda Qaranka iyo Qoomiyadda Jam. Somaliland waxaad kaga qoran tahay Baal Dahab ah. Waxay ummaddaadu kuugu mahadnaqayaan dedaalkii iyo halgankii dheeraa ee aad dalka u soo gashay, samirkii iyo dulqaadkii aad muujisay xilligii aad mucaaradka ahayd,  iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay xukuumaddaadu ku tallaabsatay muddadaa 3-da sano ah ee aad hoggaanka dalka hayso.

 

Mudane Madaxweyne; dheg ha u dhigin kuwa shakiga ka qaba halgankaaga, kuwa ka soo horjeeda himiladaada, kuwa kugu eedaynaya waxaan marnaba adiga kaa suuroobin oo aanad uba dhalan(sida qabyaalad, qaraabo-kiil iyo qof-jeclaysi), kuwa ay iskaga qaldan tahay Mucaaridninmada iyo Muwaadinimadu, kuwa ay dhibayso in Xukuumaddaadu ku guulaysato ka rumaynta himilada iyo hadafka Ummadda, taasoo ah in Jam. Somaliland noqoto Qaran madax-bannaan oo bulshada caalamka ka mid ah.

Mudane Madaxweyne waxa hareerahaaga taagan oo aad u jecel in Adiga iyo Xukuumaddaaduba aad guulaysataan:

  • Hooyooyinkii aad caruurtooda ka dhaaftay lacagtii Iskuul-Fiiga,
  • Askarigii aad Mushaharka u kordhisay, Derajada ugu toshay oo weliba waxbarasho bilaasha u helay caruurtiisii,
  • Dhalinyaradii aad hankooda iyo himiladooda kor u qaaday ee aad ka furtay dabarkii iyo xakamihii kaga xidhnaa ka qayb-galka siyaasadda ee la’aa meel ay u maraan hoggaaminta dalka iyo masraxa siyaasadda.
  • Agoomiha & Danyarta aad daryeeshay ee aad Xafiiska Samafalka Madaxtooyada u samaysay ee hadh iyo habeen, min bari ilaa galbeed la caawinayo.
  • Aqlabiyadda Ummadda Jam. Somaliland ee adiga kuu codaysay,
  • Iyo dhamaanba muwaadiniinta Somaliland ee jecel guusha iyo horumarka dalka hooyo.

 

 

|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr| |UK|

 

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

 

Jam.Somaliland Ha Noolaato,