Musharaxa Doorashada Madaxtooyada Ee Xisbiga UCID Oo Si Taxadir Leh Uga Hadlay Xaaladaha Dalku Galay Iyo Dhacdooyinkii Ugu Danbeeyey

 

XAFLADII DABAAL-DEGA XISBIGA UCID EE BRISTOL UKAug 16,2013 Hargaysa(SM) Qodobka Ugu Wayn Ee Ay Xukuumadani Qabatay Waxa Weeyi Kan Bixinta Darajooyinka Ciidanka, Arinta Tahriibku Waa Qodobka Ugu Wayn Ee U Dhigmaya Ka Darajada Oo Aan Ku Dhaliilayo Xukuumada” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, August 16, 2013 (SM) – Musharaxa doorashadda Madaxtooyadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen  ayaa markii ugu horaysay si taxadir leh uga hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay mudooyinkii ugu danbeeyey, kaas oo hoosta ka xariiqay guud ahaan qodobadii ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku guulaysatay hirgalintooda iyo kuwii ay ku fashilanteyba. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arimo badan oo taagan, isla markaana uu Sad-kaadii galay, una baahan in ummadda loo bandhigo. Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID Mr Jamaal waxa ka mid ah arimaha ugu mihiimsan ee uu ka hadlay arinta bixinta Darajada Ciidamada oo uu si wayn ugu amaanay, isla markaana ku sifeeyey guushii ugu waynayd ee Xukuumadda Kulmiye hirgalisay, halka uu taas badelkeeda dhaliilo horleh uga soo jeediyey arimo door ah oo ay mid tahay Tahriibka dhalinyarada Wadanka oo uu ku tilmaamay mid heerkii ugu xumaa madaxa la galay, una baahan in gurmad Qaran laga galo. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Waraysigaas oo uu arimo badan kaga hadlay, ayaa isaga oo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko Darajooyinka Ciidanka lagu taxay Maalintii Ciidal-Fidrigii, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii shaqsi ahaan iyo Xisbi ahaanba arinta Bixinta Darajooyinka Ciidamadda aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, waana arin ay Ciidamada iyo bulshadda dalkuba ay mudo aad u dheer sugayeen in darajooyinka la siiyo, markaa hadii aynu siyaasadayno oo aynu ku mucaaridno wixii wanaagsan ee dalka u soo kordha meel gaadhi mayno. Mida kale waxkasta oo la qabto dunida oo dhan lagama waayo khaladaad yaryar laakiin taas waxa ka wayn danta Qaranka iyo dariiqa loo socdo, isla markaana waan maqlayey cabashooyin badan oo ka soo yeedhaya arinta darajooyinka laakiin waxa la inooaga baahan yahay inaynu marka hore danta Qaranka inaga oo eeganaya aynu isku dayno in sida sharcigu baneeya loo saxo khaladaadka jira oo waxa mihiim ah in marka hore la isku dayo inay suurta gasho bixinta darajada ciidamadu markaas ka dib ayeynu isku dayi doonaa inaynu saxno khaladaadka ku jira arintaas. Waxaanan arintaas bixinta darajada kaga baxayaa guul ayey u tahay guud ahaan Somaliland, waana arin kor u qaadaysa oo dhisaysa Mooraalka Ciidamadeena, run ahaantiina waa Waajib ina saaran inaynu Ciidamadeena garab galno, waxaanan bulshadeena iyo siyaasiyiinta wadankaba ugu baaqayaa inaanay marnaba siyaasadaynin arimaha ciidamada oo waliba la iska ilaaliyo in qaab siyaasadeed loo dhigo qadiyada bixinta darajooyinka Ciidamadeena, xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa in darajada ciidamada ee ay bixisay ay ku lamaanayso faa’idada darajada haday noqon lahayd Gunadoodii ama Mushaharkooda ama waxkasta oo loo qabankaro oo dhiiri galinaya Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Waxaanan run ahaantii maanta aad ugu farxay mar aan Magaalada marayey marka aan arkay Ciidamadeenii oo dhalinyaro u badan oo ku xaragoonaya dirayskii iyaga oo ay garbahooda ka muuqato darajooyinkii ay qaateen, waa arin lagu farxo oo dan u ah qaranka. Waxaanan halkan uga mahad celinayaa qolooyinka Saraakiisha ah ee isku xilqaamay arinta darajooyinka oo aan leeyahay Ilaahay ha idinka Jazaa’i siiyo, waanan ku hambalyeynayaa”.

S: Waxaad carabka ku dhufatey arinta cabashooyinka ka soo yeedhaya bixinta darajada, dabcan waa arin dad badani kula qabaan, markaa ma kuu muuqataa inay jiraan arimo badan oo Cadaaladaro ku taxaluqa oo ku jiray qaabkii loo bixiyey Darajooyinka Ciidanka?

J: Sida aan hore u sheegay waxa wanaagsan in xukuumadu wixii cabashooyin ah ay si degdeg ah wax uga qabato, sababta oo ah wixii wanaagsan ee ay qabataa in nusqaanteedu badato iyaga laftigooda uma wanaagsana oo sharaf dhacna way u tahay, isla markaana wax ka qabashada cabashooyinka jiraa waxay u wanaagsan tahay waxqabadkooda oo aanay wayd ka dhigaynin, waana wax loo baahan yahay in qofkasta oo reer Somaliland ah la qanciyo.

S: Maadaama oo xukuumadda Kulmiye waxqabad badan sheegato, Ma noo sheegi kartaa Qodobka aad is leedahay wuu ugu Shilis yahay ama wuu ugu culus yahay ee xukuumadda Siilaanyo hirgalisay 3-dii sano ee ay taladda dalka haysay?

J: Anigu hadii aan qiimeeyo waxqabadka ay xukuumadda Kulmiye samaysay, waxaan odhan lahaa qodobka ugu wayn ee ay qabatay waxa weeyi kan bixinta Darajooyinka Ciidanka, kaas oo ay dawladihii hore ee dalka soo maray ay ka yara maageen ama aanay u suurta galin inay ku dhiiradaan, waxaanan leeyahay arintaas waxay ka sameeyeen go’aan adayg iyo calool adayg wayn ayey xukuumadani ka samaysay arintaas, waanan ku amaanaynaa Xisbi ahaan iyo shakhsi ahaanba. Iyada oo ay taasi jirto hadana waxa aan ku celinayaa in khaladaadka yaryar ee jira la saxo si ay Ciidankeenu inoogu dhismaan.

S: Qodobka bixinta darajooyinka waxaad ku Sifaysay  Waxqabadkii ugu waynaa ee Xukuumadani ay samaysay, taas badalkeeda ma noo sheegi kartaa qodobkii ugu waynaa ee aad ku saluugto xukuumadda Axmed Siilaanyo ama aad odhankarto way ku fashilantey?

J: Haa way jiraan qodobo badan oo aan ku saluugsanahay xukuumadda talada haysa, waxaan ka xusi karaa dhacdooyinkii wakhtigii doorashadii deegaanka dalka ka qabsoontey oo aynu ognahay inay xukuumadu samaysay khaladaad aad u badan, waxa kale oo jira arinta Mushaharooyinka oo ay balanqaadeen inay ilaa boqolkiiba saddex jeer ay libin-laabi doonaan oo taasi may dhicin, waxaanay libin-laabeen hal mar oo kaliya. Waxa kale oo jira qodob ku taxaluqa dhinaca dhaqaalaha dalka gaar ahaan Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee dalka oo dhaqaalihii iyo nolashii bulshadu uu sii yar adkaaday, waxa jira qodob kale oo isaguna aan ku saluugsanahay oo aan aaminsanahay inaan waxba laga qabanin oo ay mid tahay baahiyaha dhinaca Biyaha oo dabcan biyo la’aan baahsan ayaa Caasimadii dalka ee Hargeysa ka taagan. Markaa iyada ay dhaliilahaasina jiraan waxaan jeclaan lahaa inay xaga dhaqaalaha xooga saarto xukuumadu, iyada oo aan laga tagaynin adkaynta Amaanka iyo Nabadgalyada guud ee Wadanka. Hadii aan ku daro qodob ka mid ah arimaha aan aadka ugu dhaliilo xukuumadda talada haysa waxa ka mid ah arinka Tahriibka oo ah oo waxa dalkeena ka dhacday inaan waxba laga qabanin dadka dhalinyarada Tahriibiya oo waxa muuqata inay dadkaasi inagu soo dhiiranayaan, kuwaas oo xataa aynu ognahay inay marka hore dhalinyarada bilaa lacag ku dirayaan, waxaana inala gudboon inaynu wax ka qabano Shakabadahaas isku xidhan ee dhalinyaradii iyo xoogii wadanka Tahriibinaya, waana foolxumo wayn in Hay’adaheenii Amniga ama Sirdoonka ama CID-du ay soo qabankari waayaan Shabakadahaas Tahriibiya Xoogii Wadanka ee Baddaha iyo Saxaraha ku idlaaday, arinka Tahriibkuna waa qodobka u dhigmaya qodobka waxqabadka xukuumadda ugu wayn ee bixinta Darajooyinka.

S: Arinta ilaa imika dadku ay qiimaynkari laayihiin faa’ido iyo khasaare midka Somaliland ugu jirta ee Heshiiskii dhinaca Hawada ee ay dhawaan wada galeen Somaliland iyo Somalia, siduu kuula muuqdaa iyo waliba in Xafiiska Maamulka Hawada ee labada dal laga Furo Hargeysa?

J: Aniga waxay iila muuqataa inaynu aad ugu yar degdegnay arimaha dhinaca hawada,  waxaanay u muuqataa in Soomaaliya uun hawadeedii laga maamulayo Hargeysa, mana filayo inay sii shaqaynayso oo waa tii aynu ka baxnay oo inaynu ku Milano looma baahna, waxaana loo baahnaa in arintaas Tashi Qaran laga yeesho oo dadka oo dhan laga talo-galiyo oo anaga oo kale maalintii dhawayd waxba nalagama waydiinin oo imika xukuumadu khaladaadkay ka samaysay shirarkii ugu danbeeyey Turkiga ee arintaas lagu go’aaminayey Kulmiye iyo Waddaniba way u yeedhay laakiin anaga nagamay talo-galin, waxaanay ahayd hadii Guddoomiyahayaga ay is khilaafeen inay Madaxda kale ee Xisbiga ka talo-galiyaan oo taasina may dhicin. Markaa arinkaasi waxa uu ku qurux badnaa in xukuumadu yar balaadhiso oo dadka oo dhan ka talo galiso, waxyaabaha foolxumada inagu ahna waxa ka mid ah in Madaxdii Somalia ay shirkaa ka dib inaga daba hadleen oo ay qaarkoodba yidhaahdeen Hawada wixii la isku odhanjiray Somalia oo dhan waxa laga maamulayaa Xamar, taasina waxay lahayd inaynu jawaab waafi ah oo ku haboon oo aynu u dhanahay ka bixino waliba inaga oo isku duuban.

S: Hadii aan arimahaasna intaa kaga baxo, waxa jira Khilaaf muuqda oo dabcan laga dareemay inuu u dhaxeeyo Madaxdiina sare ee Xisbiga UCID, arintaas Maxaad Kaga Jawaabi lahayd?

J: Anigu ma odhanayo Madaxda Xisbiga UCID waxa ka dhex taagan khilaaf laakiin way jiraan firkrado kala duwan oo Warbaahintu qaarkeed baahisay oo run ahaantii marka meel la iskugu yimaado waa wax khasab ah in dadku ay kala Afkaar duwanaadaan, isla markaana uma arko arintaas wax khilaaf lagu tilmaamo oo waa wax la xalinkaro oo aanu anagu dhamaysanayno dhexdayada Insha Allaahu.

S: Maadaama oo ay jiraan dib u dhac ku yimid doorashooyinka dalka qaarkood, Markaa rajo intee leeg ayaad ka qabtaan in doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu ay wakhtigoodii ku dhacaan?

J: Ma ogolin in wakhti dheeraad ah lagu daro wakhtiga doorashooyinka u qorshaysan, sababta oo ah dhawr jeer ayaa hore loo kordhiyey oo imika khasab ayey ku tahay hay’adaha ku shaqada leh iyo xukuumadaba in wakhtigoodii la qabto doorashooyinka dalka, waxaanaynu haysanaa wakhti inagu filan oo aynu ku diyaarin karno doorashooyinkaas, Run ahaantiina waa foolxumo inaynu mudo kordhin uun ku jirnaa iyada oo aan laga tagaynin duruufaha waaqiciga ah ee jira.

S: Waxa jira oo dad badan oo reer Somaliland ahi ay qabaan inay meesha ka baxday Doorkii Axsaabtiina Mucaaridka ee UCID iyo Waddani oo aad moodo inaydin ka habranaysaan sheegida dhaliilaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, Taasina ay sababtey inay Golayaal kale oo aan distuuri ahayni ay samaysmaan, arintaas halkeed ka taagan tahay adigu?

J: May door meesha ka baxay Adeer ma jiro, Mucaaridaduna waxay u baahantay caqli ee maaha inaad iska tidhaahdid uun waxbaan dhaliilayaa, marka aanu dalka joogno iyo marka aanu ka maqanahayna wixii dhaliil ah ee ay xukuumadu xumayso waanu sheegnaa oo ma qarino, Mucaaridadii kulalayd ee ku jiqsiida ahayd ee dalka u xumaydna anagu samayn mayno oo wadanka ayaanu u tudhaynaa, waxaana naga go’an inaanu la nimaadno mucaaridad macquul ah oo caayi mayno Xukuumadda iyo Madaxda Qaranka ee waxaanu u sheegi doonaa khaladaadkooda oo aanu joojiya odhan doonaa Insha Allaahu, markaa waa waxyaabaha u baahan in Somaliland wax laga badalo-na waxa ka mid ah Mucaaridada ku jiqsiida ah ee aynu ku caanka ahayn. Mida kale Mucaaridada aanu aniga iyo ku xigeenkayga C/rashiid Xasan Mataan aanu jecelnahay inaanu ku hogaaminaa wadankana waxa weeyi mid aanaan cidna uga habranaynin oo noqon mayso mid marka la doonana naloo yeedho marka la doonana  aanu is bad-badalno. Mida kale Saddexda sano ee ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada haysayna ma ihi anigu ninka albaabka Madaxtooyada ka galay, ninka loo yeedhayna ma ihi oo waxa wanaagsan marka ay dadku la yimaadaan dhaqan aan isbad-badalin.

 

Salaanmedia/Hargaysa Office

Source Haatuf