Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo Xilal Cusub Magacaabay Iyo Garab Haween ah oo ku Soo biiray

jamaal_01_09Hargaysa(SM):-Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseeen ayaa maanta Xilal u Magacaabay xubno ka tirsan Xisbiga Ucid oo kala ah  Afhayeenka Xisbiga Ucid oo u Magacaabay Garyaqaan Muuse Ismaaciil Cabdi halka uu Gudoomiye ku Xigeeenka Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga Ucid uu magacaabay Xariir  DaahirAadan  Faarax .

Xil magacaabista uu sameeyey Musharaxa Madaxweynaha ee Xxisbiga Ucid ayaa uu kaga dhawaaqay maanta xaflad uu Xisbiga Ucid ku soo dhaweenayay Garab Haween ah oo ka soo baxay ururkii Xxaqsoor oo maanta si rasmiya ugu soo biiray xisbiga Ucid .

Musharaxa Madaxweynaha Ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa halkaasi ka sheegay in afka xisbiga Ucid uu ku hadli karo Afhayeenka cusub ee uu magacaabay oo uu sheegay In uu yahay  cidda kaliya ee ku hadli karta  Afka Xisbiga.

Waxa uu Geesta kale  hoosta ka xariiqay  in hadal kasta oo ka soo baxa masuuliyiinta Xisbiga Ucid aanu ka turjumayn mawqifka Xisbiga balse uu ku kooban yahay fikir Shakhsi .

Musharax  Jamaal Cali Xuseen ayaa halkaasi Khudbad dheer oo dhinacyo badan Taabanaysa ka soo jeediyay .

Halkan Ka Dhagayso Khudbadii Musharaxa  Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen

 

Ucid Media