Muwaadin U dhashay Somaliland oo Daarta Ugu Dheer Muqdisho ka dhisanaya wakhti xaadirkan, Maxaa kukalifay?

dabaq_1Muqdisho-(SM)-Waxaa Magaalada Muqdisho kasocda Dhismoyaal Qurux badan waxaana barbar socda qaraxyo ay fuliyaan nimanka xagjirka ah ee  Al-shabaab.

Waxaa Magaalada Muqdisho laga dhisayaa daarta ugu dheer oo ay kakooban tahay 8 Dabaq wallow lasheegayo in dhismaheedaasi wali kor loosii qaadayo waxaana dadweynaha muqdisho ay u dawasho tagaan dhismahasi lawado wakhti xadirkan.

dabaq_2dabaq_3Waxaa daartan dheer iska leh oo Maalgalinaya Muwaadin u dhashey Somaliland taasoo ay dad badani isweydiinayeen maxa kukalifay Muwaadinkan Somaliland u dhashey ee wakhti xaadirkan Magaalada Muqdisho daar intaas la’eg ka dhisaya, tiiyo ay Amaankeedu la isku halayn karin.

Waxaa maalin dhaweyd waraystay Muwaadinkan u dhashey Somaliland ee iska leh dartaasi Telefishinka caalamiga ah ee Universal sheegayna waxa ku kalifay inuu Magaalada Hargeysa oo uu kayimid kana dhisinin daar intaas laeg isla imikana ka dhisayao Magalada Muqdisho Ayaa waxa uu sheegay wax dadka kayabiyay iyo Sababaha uu Muqdisho uga dhisanayo Daartan dheer.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho SL NOW