M/weyne Siilaanyo Lacagtii Dawlada Kuweyd Ku Bixisay In La Kordhiyo MadarkaHargeysa,Wasiirka Duulistu Wuxuu u Bedelay Indho Sarcaadkii Hindigii Cismaan Beenaale,Siyaad Barrena 7 Sano Ayuu Ku Dhisay 40 Wershadood.

image

Akhristow  Kaligii Taliyihii Milateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre xumaan iyo dulmi badan ayuu umada u geystay dad badan ayuu sabab la’aan ku dilay wuxuu samayn jiray cadaadis iyo cabudhin,hasayeeshee soomaalidu waxay ku maah maahda gaal dil gartiisana sii.marka se la eego  dhinaca dhaqaalaha wuu kaga wanaagsana xukuumadan iilaanyo ee maanta jirta, ee aysan jirin cid la xisaabtami karaa masuuliyiinta ka soo jeeda beesha madaxweyne siilanyo gar ahaanna wasiirka duulsita hawada Maxamuud Xashi Cabdi ee 13.000,000$ sadex iyo tobankii malyan ee doolar ee dawalda kuweyd ay ku bixisay kordhinat ranwayga madarka hargeysa oo ay ahayd in lagu daro ilaa laab kiiloo mitir iyo dib u ahbeyntiisa oo uu garoonku u xidhnaa mudo laba sanad ku dhawad ah, waxana jirta in hal mitir oo kaliya aan lagu darin,halka 7 sano ee ugu horeeyey xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre 1969-kii ilaa 1976-kii uu dhisay in ka badan 40 wershadood,jidad badan oo laamaya oo gaadhaya kumaanan kiiloo mitir,cusbitaalo waawen,garoono ciyaareed,kuliyado iyo mashaariic tiro badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin waxaanan idiin soo koobayaa inta aan ka xasuusan karo.

1: labadii wershadood ee sonkorta ee ku kala yaalay mareeray iyo jawohar.

2: wershadii baastada

3: wershadii sigaarka ee soo saari jirtay ee soo saari jirtay sigaaradii loo yaqanay ubax iyo galaydh.

4: wershadii taraqa ama kabriidka

5: wershadii tabaandhada ee itob

6: wershadii dharka ee balcad

7: wershadii hubka ee mahadaay ee soo saari jirtay noocyada kale duwan ee rasaasta yar yar iyo waaweynba.

8: wershadii khabriga iyo cadarka ee isnay biyaasa

9: wershadii sibidhka ee berbera.

10: wershadii taydha ee loo yaqanay bayl.

11: wershadii saabuunta adag ee dharka iyo tan jidhka.

12: wershadii masabiirta

13: wershadii kabaha

14: labadii wershadood ee hargaha iyo saamaha ee ku kala yaalay hargeysa iyo muqdisho.

15: wershadii caanaha

16: labadii wewrshadood ee kookaha ee ku kala yaalay hargeysa iyo mugdisho

17: wershadii dawooyinka

18: sadexdii wershadood ee kaluunka ee ku kala yaalay laasqoray,qandala iyo mugdisho.

19: wershadii ranjiga

20: wershadii daqiiqda

21: wershadii canbaha

22: wershadii nac naca iyo xanjada

23: wershadii buugaagta iyo qalimaanta

24: wershadii  kabista

25: wershadii sifeynta bitroolka ee ku taalay jasiira

26: wershadii jiingada

27: wershadii miranda

28: wershadii buskudka

29: wershadii xooga korontada ee loo yaqanay Eeneeyo  mugdisho

30: wershadii galeyda ee ku taalay gaalkacayo

31: wershadii barafka ee nek fish ee ku taalay boosaaso

32: wershadii balastiga

33: wershadii dacaska

34: wershadii hilibka ee ku taalay kismaayo ee loo yaqaaany kaarnabiif

 

Hadii aynu eegno dhinaca jidadka laamayda ah waxaan xasuusan karaa jidkii isku xidhi jiray

1: mugdisho ilaa dila oo ahaa 2000 kiiloo mitir

2: garoowe ilaa boosaaso oo ahaa 450 kiiloo mitir

3: mugdisho ilaa kismaayo oo ahaa 550 kiiloo mitir

4: mugdisho ilaa baydhabo oo ahaa 335 kiiloo mitir

 

Mugdisho gudaheeda wuxuu siyad barre 7 sano ka dhisay 19 jid oo laamay ah oo dhamaantoodba heer caalami ah oo aynu ka xusi karno

1: jidka soddonka

2: jidka wadnaha

3: jidka wershadaha

4: jidka maka al-mukarama

Wax yaabaha kale ee la xasuusan karo waxaa ka mid ah garoonkii kubada cagta ee mugdisho   istadyom oo qaadi jiray 45 kun oo qof, halka garoonkii dadnaa ee kubada kolayga isaguna uu qaadi jiray 10kun oo qof ,tiyaatarkii mugdisho oo isaguna qadi jiray 15 kun oo qof, mugdisho oo kaliya waxa ka furnaa 25 sheeniimo oo ay dawladu lahayd oo ta ugu yari qadi jirtay 500 oo qof halka somalilandna maanta la xarashayo wasaaradihii dawlada.

Waxa kale oo jiray 5 tiyaatar oo yar yar oo ku yaalay mugdisho jaamacadii umada iyo jaamacadii gahayr oo waxbarashadoodu ay ahayd bilaasha ama lacag la’aan. Dadka aan  soomaalida ahayn  ee wax ka baranjirayna waxa ka mid ahaa dadka u dhasahy dalalka.

1: Masar

2: Ciraaq

3: Falastiin

4: Lubnaan

5: Libya

6: Itoobiya

7: Kenya

8: Ereteriya

9: Suudan

Wax yaabaha kale ee uu sameeyay kaligii taliyihii Siyad Barre mudadii 7 sano ahayd ee xukunkiisa ugu horeysay 6 cisbitaal oo waaweyn oo isugu jiray kuwo uu u dhisay dadka shacabka ah iyo kuwo uu u dhisay ciidamada milateriga iyo booliska qaybihiisa kala duwan.

1: labada cisbitaal ee xooga dalka iyo martiini wuxuu u dhisay ciidamadii qalabka siday ee milateriga.

2: cisbtaalka madiina wuxuu u dhisay qaybihii kaal duwanaa ee ciidaamda booliska

3: cisbitaalka manaadir wuxuu u dhisay caruurta iyo hooyooyinka

4: cisbitaalka digfeer wuxuu u dhisay dadka shacabka ah waxaana lagu daweyn jiray noocyada kala duwan ee xanuunada waxaana lagu sameyn bjiray qaliino culus.

5: cisbitaalka dhimirka oo lagu daweyn jiray dadka uu ku dhaco xanuunka walidu.

Hadaba saaxiibayaal waxaa iga xasuus ah Siyaad Barre waxasi uu qabtay oo dhan kumuu sameyn jirin cadaalad laakiin maanta qodobka aynu ka hadlaynaa waa wax qabad ,waxaana muuqata in dadkii indho dilaacsaday 20-kii sano ee ugu danbeeyey loo sheegi karo been aysan waxba ka jirin oo lagu magacaabayo wax qabadka xukuumada siilaanyo iyo in umada lagu soo marti qaday oo xaflad loo qabanyo  madaar lacagtii dawlada kuweyd ugu deeqday siyaabo kale loo isticmaalay.

Hadaba isku doo wada duuduuboo Madaxweyne Siilaanyo Lacagtii Dawlada Kuweyd Ku Bixisay In La Kordhiyo Madarka Hargeysa,Wasiirka Duulistu Wuxuu u Bedelay Indho Sarcaadkii Hindigii  Cismaan Beenaale,Siyaad Barrena 7 Sano Ayuu Ku Dhisay 40 Wershadood.

 

 

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

 

Tel: 4425243

 

Email:suudi88@gmail.com

 

Hargeysa/Somaliland