War- Deg Deg : Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha UCID Md Xuseen Xasan Badmaax oo Iska Casilay Xisbiga UCID Sheegayna In xisbiga oo u xuub siibatay “one man rule”

image
Hargeysa/SM Xoghayihii  Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha, Md Xuseen Xasan Badmaax ayaa iska Casilay Xilkii uu ka Hayay Xisbiga UCID sida uu sheegayna Taladii Xisbigu u Gacan Gashay Nin Qudha Sidaana Waxa uu ku sheegay War-Saxaafadeed uu Goor  Dhaweyd soo gaadhsiiyey badaxa banaan.

War-Saxaafadeedka ayaa u Qornaa Sidatan:-

Waxa aan halkan ku cadaynayaa maanta oo ay taariikhdu tahay August 22,2013 inaan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID oo ahaa ku-xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha iyo xubinamadii xisbigaba.Waxaana u sabab ah arrimahan:

1.Siyaasada xisbiga oo noqotay mid dabar lagu xidhay.
2.Hangoolkii xisbiga oo saddex farraar yeeshay.
3.Taladii xisbiga oo u xuub siibatay “one man rule”
Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax
Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha,
Ahna ku simaha xoghaya arrimaha gudaha
 Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland