Ragga Beesha Silanyo Ka Soo Jeeda Ee XiIldhibaan Nacnac Gurmad U Ah Mid Ayaan Leeyahay, Xidhibaankana Mid Ayaan Leeyahay. By Diriye Siciid

Waxaa maalmahan dambe mareegaha Internetka buux dhaafiyey guulwade NacNac oo marba fariinta looga soo dhiibo madaxtooyada lasoo hor fadhiisanaya warbaahinta. Waxaa kaloo soo baxay gulwadayaal ay Silanyo isku beel yihiin oo gurmad u ah NacNac iyagoo ku faraxsan iney heleen nin ku saliya Siranyo oo aaney isku beel ahayn. Waxaan leeyahay raggan gurmadka u ah NacNac, mar hore ayaad rag yahow qaawiseen Xildhibaan NacNac. Markii aad isagoo Siranyo difaaca aad garan kari weydeen sidaaya Nadra si aad isaguun u sharaftaan

Waxaan leeyahay raggan gurmadka u ah NacNac, mar hore ayaad rag yahow qaawiseen Xildhibaan NacNac. Markii aad garan kari weydeen bal beesha NacNac wax yaruun uga tuura deeqahii baanka aduunka ee kusoo koobmay waqoyiga Hargeisa iyo bariga Burco

Waxaan leeyahay raggan gurmadka u ah NacNac, mar hore ayaad rag yahow qaawiseen Xildhibaan NacNac. Markii aad garan kari weydeen bal beesha NacNac wax yaruun uga tuura darajooyinka ciidanka ee kusoo koobmay waqoyiga Hargeisa iyo bariga Burco

Waxaan leeyahay raggan gurmadka u ah NacNac, mar hore ayaad rag yahow qaawiseen Xildhibaan NacNac. Markii aad garan kari weydeen bal beesha NacNac wax yaruun uga tuura shaqooyinka ka soo baxxa dowlada oo ku koobmey waqoyiga Hargeisa iyo bariga Burco.

Waxaan leeyahay Xildhibaan NacNac, guulwadeyntu waxaa la qaadan karaa marka aad adiga iyo beeshada waxuun aad ka soo gaadhayaan. Wali xilkii Xildhibaanimo ee beeshadu kuu dooratay ayaan joogtaa. Xildhibaanimadaada SIlanyo kumii siin ee beeshaada ku soo dooratay. Silanyo iyo Kulmiye waxba kuguma darin. Wax aad qabato iska daayee, dumarkii kibirka lagu xidhay ayaad soo dayn kari weydey. Nadra walaalkeed, Dhubaane markii uu dagaalamayey ee halganka ku dhuntey, XIrsi shumburo ayuu Kontarwaarey ku cunni jirey.

Madaxtooyadan aad tidhaahdo waan ka quraacdaa, waan meesha Xirsi iyo Timacad kugu feedhaan. NacNacow, sidan isku dhaam oo sharafta ha iska qaadin.

Diriye Said
diriyesaid@yahoo.com