Raysal Wasaare Saacid Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Xukuumadda Kala Shaqeeyaan Horumarka Dalka

 

Aug 15,2013 Muqdisho(SM) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney xukuumadda uu hogaanka u hayo ay kala shaqeeyaan horumarka dalka iyo soo celinta nabaddii iyo xasiloonidii dalka.
Wasiirka Koowaad ee xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa daboolka ka qaaday in hadii aan dowladda lagala shaqayn horumarka dalka aysan suurta gal ahayn in lagu guuleysto horumarka la hiigsanayo,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay iney taageeraan dowladooda.
R/wasaare Saacid ayaa xusay in dalka uu leeyahay cadow aan ogoleen horumar uu dalku ku tallaabsado,wuxuuna alshabaab ku eedeeyey iney hortaagan yihiin horumarka dalka,wuxuuna shacabka ka dalbaday iney meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay Kooxda argagixisada ah sida uu sheegay.
R/wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax SHiirdoon ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay dalka ka sifayn doonto alshabaab oo uu sheegay iney caqabad ku yihiin soo celinta nabadda dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay dajisay qorshayaal dalka lagu xasilinayo si ay u suurtagasho in dalka laga hirgaliyo Mashaariic hormarineed,Xasilooni la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney dib u dhac ku keeneyso Mashaariicda horumarineed ee la doonayo in dalka laga hirgaliyo.

Salaanmedia/Muqdisho Office