SAYLAC: Xaalada Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Roobab Duufaano Wata Oo Gaystay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac

Aug 1, 2013 Saylac(SM) – Roobab wata duufaano oo ka da’ay degaanka FIQI AADAN ee degmada Saylac ayaa gaystay Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawa iyo burbur hantiyeed oo aad u balaadhan.

Roobabkan duufaanta wata oo da’ayay saacado badan oo habeenimadii xalay ahaa ayaa waxa ku naf waayay AHUN haweenay da’ ah oo uu magaceedu yahay Markabo Rayaale Gadiid, halka uu dhaawac xooganina ka soo gaadhay wiil ay dhashay oo magaciisu yahay Shabeel Xasan Cumar.

Dad goobjoogayaal ah ayaa noo xaqiijiyay in qoyskan ay masiibadu ku habsatay kadib markii ay ku dhaceen jiingado iyo qoryo kale oo ay dabaysha duufaantu wadatay ay ku dhacday guri cooshado ka samaysan oo ay daganaayeen.

Xil. Rooble Muuse Xoosh ayaa sidoo kale ka dayriyay caalada dhaawaca wiilkaas oo uu sheegay inuu wali ku sugan yahay FIQI AADAN isla markaana aanu helin wax gurmad caafimaad ah oo u soo qaada dhinaca magaalooyinka waawayn isla markaana aanay FIQI AADAN lahayn xarun caafimaad.

“Waxa kale oo jirta in roobabkani ay qasaare badan u gaysteen degaano kale oo ku teedsan Buurta Libaaxley oo ay ka mid yihiin JIDHI, Sh. AWAARE, Cabdiqaadir iyo FIQI AADAN, waxana jirta in ay roobabku dumiyeen dhismayaal, jiingadana ka qaadeen dugsiyo iyo dhismayaal kale oo degaankaas ah, waxa kale oo intan dheer in dad badan ay barakiciyeen roobabkani, sidoo kalena aanay wax gurmad ah haynin dadkaasi ay masiibadu ku dhacday.

 

Salaanmedia/Hargaysa