Shacbiga Somaliland Oo Walaac Ka Qaba Aafada Kufsi Wadareedyada Dalka Ku Soo Kordhay Iyo Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Hadaan Gacan Bir Ah Lagu Qaban Kooxaha U Banbaxay Falalkaasi

Shacbiga Somaliland Oo Walaac Ka Qaba Aafada Kufsi Wadareedyada Dalka Ku Soo Kordhay Iyo Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Hadaan Gacan Bir Ah Lagu Qaban Kooxaha U Banbaxay Falalkaasi

Aug 7,2013 Hargaysa(SM) Shacbiga reer Somaliland ayaa walaac weyn ka muujinaya falalka tacadiyada Kufsiga ee baryahan dambe isku badalay in kooxo rag dhalinyaro ahi ay ku kacaan fal Kufsi ah oo si wada jir ah ay ugu geystaan Hablaha. Kufsiga ayaa inta badan ka dhaca guud ahaan gobolada Somaliland, kuwaas oo intooda badan aan dibada u soo shaacbixin oo lagu dhameeyo habdhaqan beelaysan oo cuqaashu ay ka hawlgalaan si aan fal ciqaabeed loogu fulin raga tacadiyadaasi haweenka kula kaca, isla markaana ku dambabasa gudahooda si aan hay’adaha garsoorka iyo ciidamada amaanku talaabo uga qaadan, iyagoo reerkii gabadha falka loo geystay ay ka dhalatay la siiyo magdhaw ama xaal marin ah. Kufsiga ayaa inta badan sanadihii u dambeyey ka dhacayey Caasimada Somaliland ee Hargeysa Khaasatan xaafadaha Cidhifyada Caasimada Hargeysa ku yaala, kuwaas oo intooda badan ay fuliyaan kufsiyadaasi dhalinyaro koox koox u wada socota oo iyagu u ban-baxay wax-yeelaynta iyo fara-xumaynta gabdhaha intooda badan Cadrada ah.

Kufsiga lagula kaco haweenka ayaa lagu tiriyaa dambiyada culculuuse ee ka dhanka ah xuquuqda aadamaha, waxaanay waxyeelo Maskaxeed iyo Jidheedba ay ka soo gaadha haweenka tacadiga kufisiga loo geysto, kuwaas oo mustaqbalkood dhaawac weyni ka soo gaadho, waxaana la ogsoon yahay in badi haweenka falka kufsiga lagula kacaa aanay dibada soo dhigin waxyeelada Kufsi ee loo geystay, iyadoo ka qarisa qoyskooda iyo waalidiintooda si aan bulshadu u ogaan oo aanay saamayn ugu yeelan Mustaqbalkeeda.

Wasaarada Caafimaadka ayaa waxay leedahay waax u xilsaaran ka hawlgalida Falalka Kufsiga ah ee lagula kaco haweenka, taas oo Magaceeda la yidhaahdo Baahi-Koob, isla markaana ay dhaqaale badan ku bixiso hay’adda UNDP, hase yeeshee waaxdaasi ayaan iygu talaabooyin wacyigalin iyo dedaalo waafi ah ka samayn Caasimada iyo Gobolada Somaliland, balse lagu tilmaamo mid fadhiid ah oo magac cuyaal ah oo lagu mashruucsado dhaqaalaha UN-tu ay ku bixiso hawlaha la dagaalanka tacadiyada Kufisga. Si kastaba ha ahaatee todobaadkan ayay ahayd markii ay Maxkamada Gobolka Hargeysi ay xukun ku riday 21 dhalinyar ah oo laba gabdhood kula kacay Kufsi wadareed, kuwaas oo mid kiiba lagu xukumay 10 sanadood oo xadhig ah. Falalka Kufisga ah ee ku soo batay sanadadii u dambeeyey ayaa shacbiga reer Somaliland ay walaac weyn ka qabaan cawaaqibka ka iman kara Kufsi Wadareedkaasi dilaacay.

Salaanmedia/Hargaysa Office

source Haatuf

Comments are closed