“Shiinuhu Wuxuu Dib U Dhisayaa Wadada Isku Xidha Gaal-Kacayo Iyo BURCO”Wasiirka Arrimaha Dibada XAMAR

DSC01357

(SM:Hargaysa) Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ka dib safar shaqo oo qaatay muddo toddobaad ka badan oo ay ku tagay dalka Shiinaha ayay ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabtay garoonka Muqdisho in shiinuhu uu dib u dhis ka billaabanayo Soomaaliya.

DSC008291

Wasiiradu waxay sheegtay inay dawlada Shiinuhu ay la soo saxeexday heshiis dhinacyo badan taabanaaya,kaas oo ayey tidhi qayb ka ah dib u dhiska Waddada isku xidha Magaalooyinka Gaal-Kacayo Iyo Burco,

“Dowladaha Soomaaliya iyo shiinaha waxaa u dhaxeeya xidhiidh soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah, iyadoo Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay kuwa bariga Afrika oo xidhiidh dublomaasiyadeed la sameeya dalka Shiinaha, iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay sidii ay Shiinuhu u heli lahaayeen xubinnimada joogtada ee golaha ammaanka,” ayay tidhi wasiiradda.

DSC008281

“Wasaaraddeydu waxay ku howlan tahay, kalana hadashay dowladaha ay ku xidhan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida Maldives, Seychelles, Kenya, Ethiopia, Yemen, Libya, India iyo kuwo kale si loo siiyo xuquuqdooda sharci, lana suuro-geliyo siideyntooda. Waxaa naga go’aan ah ilaalinta sumcadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool,” ayay kaga jawaabtay wasiiraddu su’aal ahayd waxa wasaaraddeeda uga qorsheysan in ay ka qabto sii daynta Soomaalida dibadaha ku xidh-xidhan.

 

Salaanmedia/Mogdisho