Shir dib u heshiisiina oo dhexmaray Beelaha Biimaal (Dir) iyo Habargidir oo ka dhacay Muqdisho(Sawiro)

Waxaa maant ka furmay magaalada Muqdisho Shir lagu heshiisiinayo beelaha Biimaal iyo Habargidir oo ka socda magaalada Muqdisho shirarkaas ayaa waxaa ka qeyb galay masúuliyiin ka socda Dowladda Soomaliya, Xildhibaano iyo Oday dhaqmeed ka soo jeeda labada beelood.

Shirarkan ayaa looga hadlayaa dagaaladii maalmo ka hor ka dhacay deegaanada Ceel wareegow, Lambar lixdan iyo Buushka.

Sidoo  kale waxaa kulankaas lagu casuumay odayaasha labada beelood ee Hawiye iyo Dir oo beelaha dagaalamay ay ku abtirsadaan si ay uga qeyb qaataan nabadeynta gobolka Sh/hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladu ay dadaal u gashay sidii labada dhinac ay isugu keeni laheyd, loona baahan yahay in la xaliyo halka dhibaatada ay Salka ku heyso.

Salaanmedia/Mogdisho

DSC00979DSC00981DSC00982DSC00984xaadcumarDSC00993DSC00998DSC01000DSC01001DSC01003DSC01011DSC01012DSC01014DSC01015DSC01017DSC01022