Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Shirka beesha SACAD MUUSE oo ummaddii Somaliland fahmi weyday dhan uu u socdo!

MAQAAL

Waa dhaqan in beelahu shiraan oo dantooda ka hadlaan lakiin  Beesha SACADMUUSE  iyaga waa laga yaaban yahay shirkooda waayo dhan ale dhan aad u qaado lama garanayo.haddaba waa kan BooBe  oo laftiisu madax wareer  ka qaaday shirkan ;

 “Qabiilkii dorraad yiil, 
Isticmaarki baa dumay, 
Shalay dabo-ka-naax iyo, 
Dibitaati baa waday, 
Maantana dillaal iyo, 
Dibbir baa ku xoogsada, 
Waa dabin qarsoodiya, 
Ummadday ku dagayaan, 
Boobkay ku dedayaan, 
Qolo qoladan loo degay, 
Kama dhalan dadweynaha, 
Ragga dacarta huriyaa, 
Waa kooxo duumo ah, 
Daaddihiyayaashiyo, 
Maammulkay ku duran yiin, 
Qaar baa digtoorro ah, 
Digriigoodu madhan yahay, 
Qaar baa durbaanno leh, 
Oo daacaddi jaray, 
Darna waa hagoogtaan, 
Waa deniyo waaweyn,” 

Dugsi ma leh Qabyaaladi, Gaarriye, 10/12/1979kii, Muqdisho, 

Qalinka: Boobe yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.comwww.dharaaro.com 

21/8/2013ka, 

Haa……’miyaan dheelalays nahay’, mise waa dhadhabayaa? Dhawaaq-xumida lala dhego-barjoobay ayaa wax walba ka daran. Cali Sugulle Dun-carbeed ayaa laga hayaa: “Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaaye, hubsiimo hal baa la siistaa.” Maah-maah Soomaaliyeedna waa ay tahay. Hal-abuurku meel ay joogaanba waxba lama ay hadhin. Odeygii doobta weynaa ee Timacaddena halkudhegyada laga guntay waxa ka mid ahaa: “Waxaan aad u hibataynayaa, kii horaan idhiye.” Maxaa hadal ka khasaaray. Markii uu ku daalay dhegihii daboollaa, ayuu calaacalka is-ciil-kaambiyayaa waxa murti ka dhacday ee meel cidla’ ah ku khasaartay. 

Shahiid Axmed Daahir Cabdi oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Hargeysa ku shahiidday 1988kii ayaa tix ku lahaa Deelleeydii, taas oo ku suntanayd: “Samo-diide dabin dhawr” oo uu tiriyay 20/2/1980kii. Haddii aan godollo ka soo qaato, waxa hal-muceedyadeedii ka mid ahaa: 

“Waar wuxu ma dundumo iyo, 
Ma derboo kalaayoo, 
Qalbigaa dahaadh iyo, 
Daah kaga lingaxan yahay, 
Tollaayeey dadkaygii, 
Dib u soo hayaanyoo, 
Halkaan ‘Giib’ ku dilay bay, 
Dorraad iiga baaqeen,” 

Waqtigii aad doontaba tag, xaalku waa sidiisii. Haddaad dib u noqoto oo aad socoto ilaa 1964kiina, hal-abuurka sidaas iyo si ka daran ayuu u qaylinayay. Bal Axmed Ismaaciil oo Qaasin loo yaqaannay ku noqo. Miyaanu odhan: 

“Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay, 
Sidii oon dayaysnahay miyaan, dawgi ka habaabay,” 

Sidaas ayuu xaalku raada abeeso iskaga ahaa oo hore iyo dibba loo socday, sidii uu Yuusuf Aadan Deelleeydiisii ku lahaa: 

“Darandoorri saan-qaad, 
Dib u soco hore u soco, 
Hore iyo dibba u soco, 
La-da’ weeye taagnow, 
Maxaa daal la taransaday,” 

Waxba yaanay arartu ila taraarin. Ta aynu maanta u joogno ayaa wax walba ka daran ee dadkii laga waaninayn bal se kharash iyo abaabul lagu bixinayo sida aynu warka ku haynno. Qolo iyo Qolannimo ma aha wax sidaa u sii ridan. Waa astaan. Waa baadi-sooc. Waa sida lambarrada tilifoonnada ama cinwaannada e-mailladan casriga ah, malaha iyaga qudhoodu haatan duugoobe e’. Maxaa dhibaato ah ee ku jira heblaayo hebel oo reer Hayaan ah. Waa tilmaan. Waa cinwaan qofka lagu soo heli karo. Xataa si togan oo wax-tar leh ayaa la isugu abaabuli karaa oo dal iyo dadba looga faa’iideyn karaa. Marka ay Qoladu miyi joogtay naxli ma ay lahayn, xeerarkeeda aan qoranynna waa ay lahayd. Belaayo waxay ka dhacaysaa markii ay magaalo timid ee nin danaysanayaa tuur iyo tarbiicaba isugu yeelay si uu ugu muraad-qunsado. 

Tuduca Gaarriye aan ka soo qaatay ee aan Qormadan ku ballaysimay ayaa wax badan idiin sheegaya ee ku hakada oo ha dul cararina. Ma magaalo la wada deggan yahay oo la isku dhex milmay ayaynu kala sheegan karnaa sidii daaqsinta iyo ceelasha loo kala lahaa. Ma Hay’ado dawladeed oo wadaage ah ayaynu kala sheegan karnaa oo qolaba mid yeelan kartaa, qolo wada qaadan kartaa ama qolooyin badan laga qadin karaa? Xafiis kasta, hay’ad kasta ma ninka ka madaxda ah reerkooda ayaa yeelan kara? Ma Golayaasha ayaa reer noqon karaya? Ma xisbiyada ayaa reer ama reero noqon karaya? Ma reer dhan baa xisbi wada geli kara? 

Waa waxyaabihii uu ku dawakhay Cali Sugulle Dun-carbeed ee lixdannadii odhan jiray: 

“Dhagax iyo dab, 
La iskuma dhuftee, 
Kala dhowraay, 
Ways dhinac-wadnaa, 
Kala dhowraay, 
Wax ka dhigan gobannimada, 
Qabiil dhex galee, 
Kala dhowraay,” 

Ma maqli jirteen: “Xasan-igin bikh.” Waa ta aynu maanta u taagan nahay. Beydad ku jiray tixihii Timacadde ayaa wuxu ahaa: 

“Geed an galabta lala hoos fadhiyin, waanan garanayn e’, 
Ma Qabyaaladii lagu go’aa, godadki loo doontay,” 

Bal haddii uu tan maanta u noolaan lahaa muxuu odhan lahaa? Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa kala baxsaday in uu u soo taagnaado jabka iyo hoogga dhacay ee aanay ummaddani galabsan, bal se habaar-qabayaal daamanka oo qudh ah la doogsin-cararayaa badeen. 

Durbaannada qabyaaladeed ee maanta meel walba laga tumayaa, ma aha wax hore inoo soo maray. Waa dibucurasho aan ina caymin doonin ee aynu if iyo aakhiroba cadaab ku mudan doonno. Dabar iyo seetaba waa ay goosatay. Reernimadii oo qadhmuun oo urtay ayaa dhinac walba inoo xushay. Heer walba waa ay gaadhay, markaasaad Mareegihii iyo qalabkii war-baahinta ka naxaysaa marka aad aragto iyada oo la leeyahay: “Dhallinyaradii reer hebel ayaa go’aammo soo saartay.” Waa kuwii aynu is-lahayn waad ku cayman doontaan oo wax ayay beddeli doonaan. Beel-weyntii dhallinyarada Somaliland, Soomaaliyeed, Gobolka Geeska Afrika, Qaaradda Afrika, Caalamka ayaa laga jaan-qaaday oo jibsin yar oo aan kob caano caano leh ka soo durdurinayn ayaa lagu cayn iyo beydba go’ay. 

Baadi-soocda shirarka Beeleed ee ina asqeeyay waa qaar sita summaddii Shirkii Gar-adag. Waa nooca cusub ee shirakii reeruhu u digo-rogteen. Waa tusbax aan dhammaanayn oo xeer iyo xaagaan lagu labo-dibleeyo ilaa maanta loo la’ yahay. Maxaa Gar-adag ka dambeeyay? Miyaan tixi karayaa! Miyaan tirin karayaa! Bal xarfaha kale ha inoo dambeeyaan ee ‘Da’da’ ka raac. Waa Dubur, waa Daalo, waa Demdeman, waa Deldelan, waa Derderan, duleeddada Tog-dheer, Dooxa Aagabbar iyo meelo daran oo qalinka daal iyo diihaalba baday. 

Shirarkaa waqtiga ku lumay, duunyada ku baxday, daalka laga mutay, khasaarihii dawladda ka gaadhay, sidii danteennii loogu lumiyay iyo sida aanay waxba uga soo bixin laba is-qabta ma aha. Haddii laga tegi waayo, malahayga Dubur ayaa ugu daal yareyd, wax la daaweysan karana lagu xaqiijiyay. Waxaan is-leeyahay laba Dugsi oo kuwa la jiifsado ee laga cunteeyo ah ayaa ka soo baxay. 

Demmen waxaanu leenahay, xalku shir beeleed kuma jiro iyo xilalkan sicir-bararku saameeyay. Maya. Halkaa in laga dayo ma aha. Xal intaa ka shilis oo ka buuran oo ummadeed ayaa loo baahan yahay. In aynu kala shirno looma baahna. In aynu wada shirno ayaynu u baahan nahay. Boogteenna in aynu dawaysanno ayaa loo baahan yahay. Curin iyo hal-abuur ayaa loo baahan yahay. Reer Hebel aya shiray ee ku dayo xal ma aha. Murtidu kuma jirto reer Hebel ayaa shiri yaqaanna ee ku dayo. Ummad baa shirta. Qaran baa danaha ummadeed ka shira. Dadku wax shiri yaqaan iyo waxaan shiri aqoon uma qaybsamo. Shirka wanaagsan waxa lagu tilmaansadaa ujeeddooyinkiisa cuddoon ee wax-tarka ah. 

Malahayga, waan idin daaliyay e’ aan ku soo khatimo saaxiibkay, suugaan-wadaaggay, samo-taliyihii Qabyaaladda ‘Uf’ ku yidhi, waa Gaarriye e’, markii uu lahaa: 

“Kii deynta iga qabay, 
Indhahaan ku deyi laa, 
Waxa aan ku dabayaa, 
Mid sidayda dulugle ah,” 

Inta Qabyaaladda ku danaysataa kala reero ma aha ee waa isku reero oo saacad walba waa ay wada joogaan. Marka uu mid waliba reerkooda u tago ayuu ku yidhaahdaa: “Danteenu waa sidaa.” Markaas ayuu dib ugu noqdaa kooxdii ay dhiigga wada jaqayeen oo qorshe iyo qandaraas cusub ooh or leh soo qaataa. Markaasuu qtaneenna qaawan wareeriyaa oo ku weyraxaa. Ilaa aammanuu, ilaa Xaawiyo Aadan xaalka ayaa sidaa iska ahaa. 

Alle ha inoo sahlo, tub toosan ma haynno e’. Aammiinta igu dara.

 

Cali xaamud  Hargeysa 634212345




Leave a Reply