Shirkadda ABCO Oo Qaybo Cusub Ku Kordhisay Hotel Ay Hore Uga Hirgalisay Magaaladda Burco.

BuroHotel2

Burco,(SM)-Shirkadda Ganacsiga ee Abco ayaa qaybo cusub ku kordhisay Hotel Casri ah oo ay hore ugu hirgalisay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ,kuwaasi oo markii hore ka dhinaa Hoteelka .

Shirkadda Abco ayaa Hoteelkan ku kordhisay Qaybta Cuntadda iyo Qaybta Cafeteria ah ,kuwaasi oo ay ka hawlgali-doonaan hawlwadeeno u tababaran ,shaqaddu. .

BuroHotel4

“ Hoteelka Shirkadda Abco ka dhistay magaalada, markii hore waxa uu ka koobnaa Qaybta Hurdada iyo Hoolalka Xafladaha oo si casri ah u qalabaysnaa .

Markaa imika waxaanu ku soo kordhinay qaybo cusub oo Hoteelka ka maqnaa oo bulshadu aad ugu baahnayd ,kuwaasi oo iskugu jira Qaybha Cuntooyinka kala gadisan ,Sharaabka iyo Cofeteria ah oo tayadoodu aad u sarayso ,waxaana ka hawlgalidoona Shaqaale khibrad u leh shaqada iyo soo dhaweynta bulshadda “ Sidaasi waxa yidhi maamulaha Shirkadda Abco ee gobolka Togdheer Cabdi Xasan oo faah-faahin ka bixinaayay qaybahan cusub ee ay ku dareen Hoteelkooda Burco .

Shirkadda Ganacsiga ee Abco oo ah Shirkadda ugu weyn ee dalka keenta Qalabka gaadiidka ayaa ka hirgalisay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland Hoteelo ,Raaxo oo Cari ah kuwaasi ka qaybqaatay kor u qaadidda Bilicda magaalooyinka.

Geesta kale marka laga tago Hoteelkan ay Abco Burco ka hirgalisay ,waxa mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanaayay gudaha magaalada Burco dhismayaasha waaweyn ee Fooqaqa ah ,kuwaasi oo ay qaar ka mid ahina socdaan.

Salaanmedia/Burco

Xigasho Qarannews