Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Sida Looga Ciiday Magaalada Ceerigaabo Iyo guud ahaanba Gobolka Sanaag Waxaana Bulshada Kala Qeyb Galay Munaasabadaasi Wasiiro Dhowr Ah & Masuuliyiin Kale.

download (1)

Ceerigaabo(SM)Waxaa maanta si weyn looga ciidey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasoo ay isugu yimaadeen shacab badan iyo masuuliyiinta qaar ka mid ah Somaliland.Shacabka ku dhaqan magaalada ceerigaabo ayaa aad isugu soo baxay kuna soo qulqulay iyagoo koox koox ah garoonka kubadda cagta ee Daallo Studium.


Sidoo kale Munaasabadan ciidal fidriga oo ahayd munaasabd wayn ayaa waxaa shacabka magaalada ceerigaabo la tukaday wasiirada ay kamidka yihiin wasiirka biyaha,wasiirka dhaliyarada iyo ciyaaraha, wasiiru dawlaha maaliyada,badhasaabka gobolka sanag iyo duqa magaalada ceerigaabo.Ugu danbayad Culumaa’udiinkii munaasabada ka hadlay ayaa umada ku guubaabiyey in ay umadu ka faa’ideystaan waqtiga aysan noqon bil caabud iyagoo looga baahanyahay in ay cibaadadooda sii wataaan.