Sidee looga Ciiday shalayto Dawlad Degaameedka Somalida Ethiopia iyo Wafuud Somaliland ah oo ka qaybgalay

Jigjiga(SM) Arbaco August 8,2013.Waxaa Maanta Si aad u wayn loog a Ciiday Guud ahaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya,gaar ahaan Xarunta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Magaalada Jigjiga iyadoona ay isugu soo baxeen Tukada Salaada Ciidul-fitriga Shacabweyne aan Tiradooda la Qiyaasi karin oo buuxdhaafiyay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Jigjiga. Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Golaha Capinetka,Golaha Arimaha Islaamka DFI iyo DDSI iyo Wafti Balaadhan oo u Badan Wasiirada Dawlada Somali-land ayaa iyaguna ka soo qaybgalay Tukashada Salaada Ciida.

Madaxweynaha DDSI ayaa salaan u Diray Dhamaanba Muslimiinta Caalamka,Muslimiinta Itoobiya,Muslimiinta Soomaalida Deriska sida Puntland iyo Somaliland gaar ahaana Muslimiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya Dal iyo Dibadba ilaahayna uga baryay sanadkan sanadkiisa in ay ku ciidaan Bashbash,barwaaqo,N/galyo iyo Caafimaad,islamarkaana ugu baaqay Muslimiinta Itoobiya in ay jidaystaan ku dhaqanka haboon ee Diinta Islaamka loona isticmaalin siyaasad Diinta islamarkaana kaga daydaan Wanaaga,Isjacaylka,isgargaarka iyo Midnimada Muslimiinta walaalahood ah ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay in la isgargaaro oo Qofka Dhaqaale ahaan liita la caawiyo islamarkaana Qof kasta oo DDSI ah ogaado xaalada iyo nolosha uu ku noolyahay Qoyska Deriska la ah.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ku Dhawaaqay Cafis loo fidinayo Maxaabiista u xidhan falalka Nabad-diidka islamarkaana ka codsaday Muslimiintii tukanaysay in Aamiin loo Dhaho hadii uu Dawlada Cafiday Khiyaamo Nabaddiidka Cafiska loo Fidiyay.

Madaxweynaha ayaa Baaq u diray Qof kasta oo Qaba aragtida Nabad-diidnimo in uu ka baxo si nabadgalyo ahna ku soo Galo,inkastoo madaxweynuhu uu Carabaabay in Aamiin Loo Dhaho Qofkii Nabad-diid Cafis loo Fidiyay Khiyaama Dawlada Tusaalena u soo aatay Yidhina”Waxaan Muslimiinta Ka Codsanayaa in aamiin loo yidhaahdo Qofkii Na Khaaima iyadoona kuwii iidii Hore las cafiyay  ka mida ay Dib ugu noqdeen UBBO balse ay Aamiintii so Qabatay oo 4toodii Cidanka Liyuupolice dib u soo Qabteen”.

Salaanmedia/Jig-jiga