SIR LA HELAY: Cidii Ka Danbaysay Bur-burka Diyaaradi Laga Lahaa Itoobiya Oo La Ogaaday.

Iyadoo dhawaan xukuumada Somalia ay gudi 7 ruux ka  kooban ay umagacaabeen sababaha ka danbaysay inay gubato diyaarad hub usiday xukuumada ayaa iminka waxaa warar hoose oo aanu ka helnay Muqdisho islamarkaana ay isla dhex marayaan dadka ku dhaqan muqdisho ayaa tilmaameysa in diyaaradaa ay qarxiyeen Amisom.

Diyaarada hubka u siday xukuumada Somalia ayaa kasoo kicitamtay dalka Ethiopia waxayna maalinimadi jimcaha soo caga dhigatay garoonka Aaden Cadde waxaana mar qudha la wada arkay diyaarada oo gabi ahaan burburtay.

AMISOM ayaa la sheegaya in ay gubeen diyaarada oo ay rasaas ku rideen kadib markii ay gaaden si lama filaan ay ku noqotay diyaarada Ethipia nooca Helekabtarka ay hub aysan raali ka ahayn usiday xukuumada Somalia.

Maracade oo haatan ku jira xabsi ay maamulaan AMISOM oo ahaa ruuxa qandaraska lasoo galay shirkada Ethiopianka ayaa loo taxaabay xabsi kadib markii uu si hoose usheegay in diyaarada ay gubeen AMISOM

 index