Somaliland: Ismaaciil Yare Oo Baaq U Jeediyay Golaha La baxay Wada Tashiga

HARGEYSA (SM)Siyaasiga Ismaaciil Aadan Cismaan oo hore u ahaa guddoomiyihii ururkii DALSAN ee ku biiray xisbiga KULMIYE ayaa ugu baaqay golaha la magac baxay Golaha wada tashiga inay ku biiraan saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira ka ay la dhacaan siyaasadiisa.

Ismaaciil Aadan Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in la aqoonsan yahay saddex xisbi qaran ee ku soo baxay doorashaddii golaha deegaanka ee daboyaaqadii sannadkii hore dalka ka qabsoontay, waxana uu tilmaamay in siyaasi kastaaba xaq u leeyahay inuu xisbiga uu doono ku biirro.

Ismaaciil Aadan Cismaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay cidii siyaasadda loolankeeda u baahan saddex xisbi qaran baa dalkan ka jira oo ku soo guulaystay, saddexdii xisbi qaran ee soo guulaystay waynu aqoonsan nahay, waynu u daynay waxa aynu dhawrnay jiritaanka iyo qaronimadeena cid kastaaba xaq bay u leedahay xisbiga ay doonayso inay ku biirto.”

Ismaaciil Aadan Cismaan waxa kale oo uu soo dhaweeyay darajadii loo qaybiyay ciidamada, waxaana madaxweynaha iyo maamulkiisa ku hambalyaynayaa sidii loo dhamaystiray ciidamadii illaa alifle ilaa sareeyo gaas ay maanta u dhamaystiran tahay, waxa farxad wayn galisay ayay noqoqay dhamaan shacbi waynaha Somaliland aad iyo aad ugu farxeen madaxweynuhu wuxuu muujiyay geesinimo hore ay ugu dhici waayeen madaxweynayaashii hore oo ay balanqaadeen inay fuliyaan, hase yeeshee aanay fulin ayuu fuliyay, ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan.

SM/Hargeysa

 

 

TOP