Somaliland waxaa u bahan tahay Road-Mapdalka u jiheeya wadada Cadalada

Somaliland waxaa u bahan tahay Road-Mapdalka u jiheeya wadada Cadalada
, Dhaqaalaha, Dimuqradiyada iyo Nabdagalyada waarta iyo Gole Guurtioo ka kooban dadaqoon leh.


Ramadan kariim!!! 
‘Ummadkasta oo horumar gadhay waxaa jira wakhti ay heleen hogaamiye (hogaamiyayaal) dacad ah, kuwasi oo dhibida u taga hab-dawladeed oo ku salaysan cadaalad, horumar dhaqaale iyo maamul hufan.’ 
Marka hore waxaan u hanbalyeeyo xukuumada Axmed Maxamed Siilanyo ee saddex jirsatay, waxaa kula talin lahaa in uu madaxwaynuhu ka fakiro ‘legacy-giisa’ama sidii uu ummada uga tagi lahaa nidam dawladeed oo lagu xusuusto. 
Qoralkaygii hore waxaan kaga hadlay dalalka saaqiday (ama fail states-ka) ee calamku ka aaminka baxay iyo dalalka horumarka dalkooda iyo dadkooda u horseeday. Hadaba qoraalkani waxaan kaga hadlayaa siday Somaliland u noqonlahayd dalalka horumar dhankasta ah gaadha. 
Hadaba, si dalalka horumar dhamaystiran gaadhay looga mid noqdo, waa in Somaliland laga hirgaliyo. Kow, Road-Map lagu lifaaqo Dastuurka (Constitutional Amentments), iyo laba, Gole Guurti oo ka kooban dad aqoon leh. Markaasi ayay Somaliland ka hirgali kartaa in ay qaado wadada ay qadeen dalalka Taiwan ama Singapor.Markaasi ayaynu ka fogaan karaan tubta burburka iyo silica ee dalal badan oo qarada Afrika qaadeen. 
Haddab, haddii aan talo siin lahaa madaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo, waxaa kula talin lahaa inuu ka hawlgalo wakhtigan gaaban ee u hadhay sidii uu u hirgalin lahaalabadan qodab: 
A) Marka hore,inuu diyaariyo gudi aqoon yahano wayo aragnimo badan leh oo diyaariya Road-Map dalka ku haga wadada Cadalada, Dhaqaale, Dimuqradiyada iyo Nabdagalyada wartadalka u horseeda. Gudidani oo fahansan sida dawlad iyo maamul fiican loo dhiso.Road-Mapkani oo lagu lifaaqo Dastuurka Somaliland (Constitutional Amendments). 
B) Marka xiga, in gudidan soo xulan Gole Guurti oo ka kooban dadka aqoon iyo waya aragnimada badan leh. Golaha Guurtida waa inuu ku yimada xulasho dadka inoogu aqoonta badani ay gudahooda iska soo xushaan, lakiin looma bahna gole ay soo xulin oday Beeladyo, iyo siyaasi dan gaara wataa. Hawsha uu Golaha Guurtida waa in ay noqoto, sida Xukuumada ama Dawlada ugu ilaalin lahaayeen Dastuurka iyo Road Map-ka. 

Mudane madaxwayne mudo badan ayaad u soo halgamaysay in aad dalkani hogaanka noqotid, Illahayna waa kugu guulaysiiyay. Hadaba haddii aad doonayso dal caruurtada iyo caruurta aad awooga u tahay ay ku noolada waa in aad ka faa’iidaysato wakhtiga iyo marxalada aad haysatid een soo mari doonin madaxwayne kale oo dalkani hogaanka u qabta. Mudane madaxwayne waxaad haysata fursad aad dhidibada ugu tagi karto Somalilandin ay wado cad qaado. Mudane madaxwayne waxaad dalka ka jira labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida oon ku joogin codka dadka. Adiga oo kaliya ayaa ah shakhsiga codka dadka ku jooga, isla markana waxaa tahay madaxwaynihii ugu horeeyay een mar labaad u cararaynin jagadani. Marka waxaan kugula talin lahaa in aad ka faa’iidayso, isla markana dadka iyo dalkauga faa’idayso. Haddii aad taladani qadatid waxaan qabaa in dadka, khasatan dadka dalka danaynayaain ay kugu tageeri lahaayeen. 

Golaha Guurtidawaxaa ay ahayd fikrad fiican oo loo bahnaa wakhtigii la bilaabay. Golaha Guurtidu wax badan ayuu ka taray nabada, hubka dhigada iyo yagleelida habka dawladanimo ee maanta aynu haysano. Odayaal dhaqameedadiihogaaminayay golahani waxaa ay kala hayeen siyaasiyiinta is haysatay iyo askartii hubka isku sitay. Hadaba, Golaha Guurtida ee wakhtigan loo bahan yahay waa in uu noqdo mid kaa ka duwan oo hogaamiyaan dad AQOONYAHANO ah oo fahansan sida dawlada calamka la shaqayn karta loo hirgaliyo. Waxaa loo bahan yahay Gole Guurti oo waxa ka tari kara horumarka iyo dhaqalaha dalka. Hadaba, si kooxaha uu KURSIGU u muuqdo ayna dalka inooga baabin, waxaa loo bahan yahay Golaha Guurtida oo noqda GARSOORAYAAL, ama SIIDHIWALEYAAL (refrees). GOLE GUURTIDU waa in uu siidhiga u hayaan Xukuumada iyo Golaha wakiilada. GOLE GUURTIDU waaa in aysiidhiga u hayaanxusbiyada muxaafidka iyo mucaaridka. 
Hadaba, Road-Map lagu lifaaqo Dastuurka Somaliland, waa inuu noqdo mid dhisa dawlada calamka la jaanqada, dawladasi oo ka kooban LABA WAXOOD (Ama BRANCHES) IYO GOLAHA GUURTI. Waxahani oo kala ah Waaxda Fulinta, ama Xukuumada ( Executive BRANCH), waxda Xeer dajinta ama Golaha Wakiilada (LEGISLATIVE BRANCH) iyo GOLE GUURTI. Hadaba, GOLE GUURTI ee Somalilanda-cusubi u bahan tahay waa inuu ka gudbo GEEDka hoostiisa uu ka bilaabmay 
Waana in ay noqdaan dad ka dheer Qabyalad, iyo Xagjirnimo.Waa in uu jiro Gudiwayne-Xul oo aqoon yahano ah, kuwasi oo soo xulaGOLAHA GUURTI. Qofka xubin ka noqonaya GolahaGUURTIDA waa in lagu soo xulo WADANIMO, AQOON, DACADNIMO, IYO WAYO ARAGNIMO, IWM. Golaha Guurtida waa in laga soo xulogobalada dalka, laguna soo xulo tiro iyo habla mida kaGolaha Wakiilada, lakiin aan ahayn doorasho toosa. 

Awooda shaqo ee Golah Guurtida cusubi? 

Haddaba, Road-Map waa in lagu qeexo awooda iyo hawlaha ay qabanayaan Golaha GUURTIDU. Haddii si kale u dhigo Golaha Guurtidu waa in ay ka koobnadan gudi-hooseedyoawood iyo aqoon ay ku maamulan u leh qaybahani: 

1) Gudida Cadaalada 

Sida dastuurka Somaliland dhigayo, Waaxda Garsoorku waa in ay ka madax banaanato Xukuumada iyo Golaha Wakiilada, sida daradeed waa in ay hoos timado Golaha Guurtida ee cusub. Gudidani waa in ay: 

• Soo xulaan/eryi karaan Garsoorayaashaiyo Xeer Illaaliya-yaasha dalka. 
• Taba baraan Garsoorayaasha, iyo shaqalaha cadaalada. 
• Dib u eegid ku sameeyan cabashooyinka dadka. 

2) Gudida Nabad galyada. 

• Gudidani waa in ay soo xulaan gudida Nabad-galyada dalka. Gudidani ooy qayb ka yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Badhasabada, Mayarada iyo golaha daganka. Gudida Nabad-galyadu waa in ay soo xulaan/eryi karaan Taliyaha Boolis (ama Police Chiefs)degmooyinka iyo magalooyinka. 
• Gudida Nabad-galyadu waa in ay tababaraan Booliska, si loo helo Boolis aan kuxadgudbin xuquuqda dadka. 
• Gudida Nabad-galyadu waa in ay abuuraan Neighbor-hood boolis, la shaqaya booliska qaranka. 
• Gudida Nabad-galyadu waa in ay abuurayaan ciidanka National Guard (marka uu dalku helo dhaqaal). Ciidanka National Guard oo ka qayb qaadanayamasiibooyinka dabaciga ah, horumarkaiyo nabad galyda dalka, marka loo bahdo. 

3) Gudida Dhaqalaha

Gudidani waa in ay ilaalinayaan hantida dadku maalgashadaan sharkadaha-la wada leeyahay (public cooperations) iyo khayradka Qaranka (National Resource). 

• Gudidani waain ay abuuran suuqa sharkadaha Somaliland (Somaliland stock exchange), waxaanay soo xulayaan dadka maamulaya National Capital Authority ama hayda maamusha IIBINTA/Kala IIBSASHASA samiyada shirkadaha dadku-wada-leeyihiin (public-ga ah). 
• Gudidani waa in ay soo xulaan gudi maamula khayradka Qaranka (National Resourse-ka), sida Macdanta, iyo Batroolka/Gaska IWM. 
• Gudidani waa in aysoo xulayaan Gudoomiyaha Bangiga dhexe, iyo gudi maamula Bangiyada/CaymiskaQaranka. 

4) Gudida Dimuqradiyda & Doorashooyinka

Gudidani waxaa ay hubinayaanmusharaxiin doorashada ka qayb galayainuu yahay: 
a) Qof akhlaq fiican oon dadka isku dirin. 
a) Qof ka dheer ku dhaqanka Qabyalada iyo kala qayb qaybinta dadka. 
b) Qof ka dheer xagjirnimada, iyo 
c) Qof u qalma, aqoon ahaan, wayo aragtinimo ahaan, jagada uu isku sharaxayan. 
• Gudidani waa in ay samaynayaan “code of conduct” lagu xakamaynayo musharaxiinta doorashooyinka ka qayb galaya. 
• Gudidani waa in ay soo xulayaan Gudida Diiwangalinta Ururada Siyaasada iyo Komishanka doorashooyinka. (Marka uu wakhtigoodu dhamado kuwa jooga). 

5) Gudida Komishanada/Haydaha madaxa banaan.

Gudidani waa in ay soo xulaanKomishanka iyo Hay’adahamadaxbanaan , kuwaasi ooy ka mid yihiin: 
A) Komishanka Diinta. 
B) Komishanka dajiya shuruucda Guurtida iyo Saxida/dibu habaynta Dastuurka Dalka . 
C) Komishanka dhaqanka iyo dhaqan Celinta (Ama Rehabka).
D) Komishanka Warbaahinta (Media) & Wacyigalinta. 
E) Komishanka Odayaasha Dhaqanka (Waxaa hoos imanaya Suldanada, iyo Caqilada). 
Komishada xukuumada magacawdo ee ay tahay in Golaha Guurtida la hoos geeyo waa: 

F) Komishan Qandarasyada.
G) Komishanka Xuquuqda Bin’adamka.
H) Komishanka fayo dhawrka dawooyinka & Rashin.
I) Komishanka dawlada wanaaga & musuq masaqa. 

Komishadanada kale ee dalka u bahan yahay, waxaa ka mida:
J) KomishankaConsumers
K) Komishanka IT &Intertainment-ka
L) Komishankala dagalanka maan dooriyaha.
M) Komishanka dabar goynta Qabyalada iyo kala-qayb- qaybinta ummada.
Hay’adaha madaxabanaan ee ay tahay in ay soo xulan Gudidani waa: 
Hay’adahanti dawraha guud (Audit ). 
Hay’ada shaqalaha 
Hay’ada Kaydka dhulka, tira koobta dadka IWM 
Hay’ada Biyaha 

Hadaba, Si hab dawladnimo ee ummada Somaliland halganka dheer u soo gashay looga midha dhaliyo, waa in Madaxwayne Axmed Maxamed Siilayo soo xulogudi-ku-meel-gadha oo ka kooban dad dacada, oo aqoon yahano ah oo hirgaliya Road-Mapka, isla markana soo xula Gole Guurti oo ka kooban dadka indheer garad ah. Golaha Guurtida ee cusub iyo Golaha Wakiilada ee la dooran doono (Inshya Alla) waa in ay gole ay u dhan yihiin ku ansixiyan Road-Mapka, si uu Amentment-ka Dastuurka u noqdo. 

Somaliland ha noolato!!!!! 

Omar Yousuf (Ururka Wadaniyiinta Somaliland (UWS)) 
Oakland, California