Suld. Maxamed ooKa Digey In Dhabarka La Taabto Ergada Ku Dhex Jirta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golaha uu ka Sasay ee Wada-tashiga

Suldaan-Maxamed2

Hargeysa (SM)-  ”Salaadiinta Isu Xilqaantay Khilaafka Maanta ka Taagan inay Xalliyaan Waxaan leeyahay Yaan dhabarka La Idin Taaban ee Caddaalad ku shaqeeya”, sidaas waxaa ku tiraabay Suldaanka Guud ee Beelaha Wada Dega dalkan Somaliland Suld. Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Farriin u Diray Shacbiga Somaliland gaar ahaanna Madaxda dhaqanka ee ku hawlan haatan isu soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland iyo Golaha uu Saska ka qaaday ee Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka, kaas oo ay Ku Midoobeen badiba haldoorkii iyo Labeentii Ummaddu.

 

Suldaanka Guud Qaddiyadan ka sokow waxa uu Farriin iyo Baaq u diray Qurba jooga Somaliland ee ku dhaqan wadamada dibbedda kuwaas oo xilligan badankoodii Fasax ku  yimi dalka, waxaanu u soo jeediyey inay gacan dhaqaale iyo mid tabarrucba u fidiyaan danyarta reer Somaliland gaar ahaanna derbi jiifka wadhan gidaarada  ee u baahan gargaarka iyo in laga farxiyo maalmaha ciidda.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Caawa hadal ka jeeriyey Madal Xadhiga lagaga jarayay Hotel Cusub oo Hargeysa  laga Furay waxa nuxurkii khudbadiisa ka mid ahaa Farriinaas uu Guddida Salaadiinta ah u diray, maadaama oo uu isagu (Suldaanku) Madaxoodii yahay, “Guddida salaadiinta ah ee isku xil qaantay  inay xaliyaan khilaafka maanta ka taagan Somaliland waxaan leeyahay cadaalad ku shaqeeya, yaan dhabarka laydin taaban, kaalinta aad maanta taagan tihiin waa mid aad wax ku  kala goyn kartaan , haddii aydun  taa ka soo bixi waydaan waxaan idin leeyahay aniguna hawshaydii ayaan qabsan.” Sidaas ayuu   yidhi Suldaan Maxamed.

 

Salaanmedia/Hargaysa