Suldaanka Beelaha Jibriil Yoonis Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Inay Ka Gaabisay Nabadaynta Beelaha Xariirad

Aug 21, 20113 Borama(SM) – Boorama-Xubin ka tirsan salaadiinta G/Awdal ayaa xukuumadda Axmd Siilaanyo ku eedeeyey inay ka gaabisay nabadaynta beelaha colaadda ku dhexmartay degaanka Xariirad, isagoo dhinaca kalena xukuumadda ku wargeliyey inay ka fiirsato eregeda golaha guuritda ee la doonayo inay ka qayb qaataan waanwaan la filayo in dib loogu soo celiyo deggennaashaha goboladaasi .

Suldaan Beelaha Jibriil Yoonis ee beelaha degaanka Boorama ,Suldaan Abuubakar Wabar, ayaa war saxaafadeed uu Boorama kasoo saaray loona qaybiyey saxaafadda ku sheegay in colaadda beelaha degaanka Xariirad sidii loo dhammayn lahaa leedahay weji keli, loona baahanyahay in jidkeeda la mariyo hadii kale lagu guuldarrdaasinba horumar gaadhsiin karaaysan doono.

War-saxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

Anigoo ku hadlkaya magaca beelaha Jibriil Yoonis kuna kala baahsan degaanada gobolka Awdal & Selel waxan marka hore hambalyo u dirayaa Hoogaanka dhaqan ee dhawaanta samasteen beelaha degaanka Xariirad (reer Dudub),anigoo guddigaasi dhaqan kala shaqayn doono wixii dan ah ee dalka iyo degaanada.

Intaa kaddib hadii an ka hadlo xaaladda amniga iyo colaadda beelkeed ee ka taagan gobolada awdal iyo selel maaha mid sidaa u weyn oo xal loo heli karin, Beelaha colaadu dhex martay ee degaanada /selel ku sugan waa dad walaalo ah oo weligoodba xallin jiray dhibaato kasta oo soo kala gaadha, ilaahayna meeshaasi wada dhigay, arrinta taagani waa mid ka dhalatay siyaasadda, iyo doorashooyinki ka dhacay Saylac oo dhibaatadeedii xariirad fadhiistay ,arrintaasi dawladdu way ka gaabisay, odaalbaa Boorama muddo ku xidhnaa oo ahaa kuwii nabadda keeni lahaa, lamana marin jidkii arrintaasi lagu dhammayn .

Golaha Guurtida haddaan usoo leexdo dadka goboladan awdal iyo selel kuma kalsoona golahaasi, hadiise ay isku dayaan inay mar kale arrintaasi lugaha lasoo galaan ama xukuumadu u magacawdo, waxa xukuumadda kula dardaarmayaa inay soo xulaan ciddii nabadda u keeni lahayd beelahaasi, kana fiirsato xalkeedana ay wadajir uga hawlgalaan Guddi ka kala socda beelaha reer Ugaadh (Ciise) iyo J/yoonis (Samaroon)beelaha ay dhibtaadau kala gaadhayna debedda ka ahaadaan, ergeda xukuumadda, iyo golaha guurtida ma lihi yeyeysan ka qaybgelin laakiin halaga fiirsado .

Waxa kale oon an masuulyiinta dawladda iyo shacbiga ama beelaha labadaa gobol uga digayaa inay mar kale warbaahinta isu mariyaan wax ka baxsan iskusoo dhaweynta ,lana shidin dab kale oo sii kala fogeeya beelaha xariirad.waxanan rajaynaya in ilaahay iskusoo ururiyo beelahaasi oo ay walaaloobaan ”

Salaanmedia/Bootama