Suldaanka Guud Ee Beelaha Carbeed Oo Soo Saaray Baaq Culus Oo Uu Kaga Cabanayo Saami Qaybinta Xukuumada Kulmiye

Suldaan Siciid

Hargeysa(SM)-Suldaanka Guud ee Beelaha Carbeed ayaa soo saaray baaq culus oo uu kaga cabanayo saami qaybinta Xukuumada Kulmiye,Baaqan oo uu Suldaanku kasoo saaray magaalada Hargeysa ayaa waxa  uu u dhignaa sidan:-

Hadii aanu nahay beesha Carbeed ee degta dhamaan Gobolada Jamhuuriyada Somaliland waxaanu xukuumada uu gadhwadeenka kayahay Mudane madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud siilanyo,aanu kaga cabanaynaa in saamigii aanu ku lahayn jamhuuriyada aanan waxba kahayn ,

Iyadoo aanu aniga iyo beesha aan suldaanka u ahay , aanu nahay beel wayn oo dhiig iyo dheecanba ku leh reer Somaliland , iyadoo aanu nahay dadkii taariikhaha ku lahaa , dadkii laga soo farcamay, dadkii ka qayb galay dibu xoraynta dalka gaar ahaan mid dhiig iyo dhaaqaaleba leh .

Mudane madaxweyne, iyadoo intaasiba ay jirto ayaa waxaanu nahay beel aan sinaba uga muuqan dhamaan shaqaalaha maamulka jamhuuriyda Somaliland ee aad magacawday ,weliba mid hoose ioyi mid sareba intii aad jooogtay.

Anagoo aamusnayn intii aad madaxweyne xilka la wareegtayba oo is nidhi iska suga way soo socotaa saamigiiniye, Oo waa la idin xasuusan doona ayaan hadana noqon mid timaada, kadibna waxay taasi noqotay mid beeshu aanay filanayn

Ugu danbayntii madaxweyne , anigoo ah suldaan siciid Maxamud Cali ,waxa la yidhi “hadii lagu sheelo waa is sheega, hadii lagu sheegona waa la is sheela” markaa waxan maqaalkan aanu adi iyo maamulkaagaba aanu kula socodsiinaynaa in beeshu idin sugayso in dib loo eego , oo dhamaan shaqalaha heer Qaran Iyo heer gobol aanu nahay kuwa kamaqan ,

Iyadoo aanu markasta kula garab taaganahay hiil iyo hooba ayaa hadaana jeclahay inaad dhawaaqayaga noo tix gelindoontaan, jawaabteedana aanu idinka sugayno dhakhso ..

 

                                                                Wabilaahi Tawfiiq

                                                     Suldaan Siciid Maxamuud Cali

                                       Suldaanka Guud Ee Beelaha Carbeed Ee Somaliland

                                                            Hargeysa Somaliland