Suldaankii Guud ee Beesha AYUUB Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa

HARGEYSA (SM)- Alle ha u naxariistee Suldaan Daahir Suldaan Amiin ayaa xalay ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu muddo xanuun hayay uu u jiifay.

ALLE ha u naxariistee Suldaan Daahir Suldaan Amiin oo ahaa suldaanka guud ee Beesha Ayuub waxa maanta si heer qaran ah loogu aasi doonaa Magaaladda Hargeysa, sida uu noo xaqiijiyay Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Gaashaan-dhiga Md, Cabdi Daahir Camuud oo la soo xidhiidhay shabakadda Somaliland.Org.

Suldaanku waxa uu ka mid ahaa salaadiinta waaweyn ee Somaliland waxaanu ahaa madax-dhaqameedkii kaalinta weyn ka soo qaatay dib u heshiisiintii dalka ka islaaxday, waxaanu ahaa suldaan af-gaaban oo Nabad-gelyadda iyo wada jirka dalka ka shaqeeya.

Salaanmedia iyo shaqaalaheedu meelkasta oo ay joogaan waxaanu Marxuum-Suldaan Daahir Suldaan Amiin ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. 

AAMIIN AAMIIN.

Salaanmedia/Hargeysa

Â