Ururka Ardeyda reer Somaliland ee Sudan oo qabtey Barnaamij loogu magac darey Talo Wadaag.

 560821_10200993638618009_252546202_n

Ururka ardeyda reer Somaliland ee sudan ayaa qabtey barnaamij la magac baxay talo wadaag, kaas oo ka dhacay hoolka shirarka ee qaacatul salaam ee waafidiin ee ku taalla magaalada Khartoum ee caasimada wadanka sudan.

Barnaamijkan oo looga gol lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa loona dardar galin lahaa waxqabadka ururka ardeyda reer Somaliland ee sudan.waxana kasoo qayb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isugu jira ardeyda reer Somaliland eek u dhaqan caasimada kharotum iyo madaxda rawaabida kala duwan ee hoos yimaada ururka ardeyda Somaliland ee sudan.

Ugu horreyn waxa halkaa ka hadlay godoomiyaha ururka mr. jamac maxamed adan oo ku dheeraaday ahdaafta iyo ujeedooyinku ururku uga gol leeyahay qabsooomida barnaamijka isagoo caddeeyay muhiimada ay leedahay in talada la wadaago oo la isla eego sidii howlaha ururka loo dardar galin lahaa makaanadiisana kor loogu qaadi lahaa isagoo ardeyda ka dal baday in ay aanay habran wax kasta oo ururka ay la garab istaagi karaan ha ahaato fikir iyo dhaqaalaba.

1149021_10200993648338252_608843748_n

Inta ka bacdi waxa codbaahiyaha la wareegay mr yoonis odowa oo ah madaxa hay’ada iclaamiga ah ee ururka kaasi oo dhawaan safar kaga yimid dalka isagoo si mug leh warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay ardeyda dalkii iyo waxyabaha uu kusoo arkey , isagoo ardeyda dhamaysatay jamacadaha ku dhiiri galiyay in ay toos ugu guryo noqdaan wadankii hooyo taasi oo uu ku sugayo mustaqbal fiicani isagoo ku dheeraaday in doorkii ardeyda reer Somaliland ee wax ka barata sudan ay kasoo baxeen.

1184973_10200993581896591_1113653674_n

Barnaamijkan ayaa hor dhac u ah mid kale oo uu soo wado ururku oo fac weyn oo uu ugu talo galay in uu ku lafo guro dhibaatooyinka ku gadaaman guud ahaan dhalinyarta Somaliland ee uu ugu waynyahay tahriibku.Barnaamijkan oo ku qabsoomay jawi fiican oo midha dhal ah ayaa dhalinyartu halkaas isku waydaarsadeen fikirada kala duwan ee noqon kara qaar anfici kara ururka iyagoo ballanqaadey taageero hiil iyo hooba ah.

Ugu dambayn waxa soo gunaanaday madasha xoghayaha ururka axmed maxamed cadani isagoo ku nuuxnuuxsaday ahamiyada wada tashiga iyo talo wadaagu u leeyahay mujtamaca iyo in uu yahay manhaj islaami ah oo islaamku ina farayo, waxanu balan qaaday in mudadaa kooban ee multaqahan  uga hadhay  gacan kusii haynta awooda ururka in ay usoo gabo gabeeyaan sida ugu fiican ee suurto galka ah.