Ururka Horumarka iyo Samafalka Bulshada ee Hiil oo Deeq Raashin ah u Qeybiyey Agoonta Daami

DSC01029

Sabti, August 24 2013(SM)-Ururka Hiil Relief and Development oo Saldhigiisu yahay Wadanka Sweden ayaa shalay oo Jimce ah Deeq Raashin ah u qeybiyey qaar kamid ah Agoomaha Magalaada Hargeisa gaar ahaan kuwa degan Xaafada Daami ee Waaxda Gacan libah,

DSC01032

Agoontan oo Tiradoodu dhan tahay 25 isla markaana si joogta ah gacanta u Ururku ugu hayo Noloshaada iyo Waxbarashadoodaba ayaa waxaa Qeybinta Raashinkan goob joog ka ahaa Laba Masuul oo ka tirsan Ururka kuwaa oo kala ahaa Axmed Max,ed iyo Axmed Afgaab, waxaaney Hadalo dhiiri gali iyo goobin ah u jeediyey Caruurta Agoonta ah iyagoo u balan qaaday iney inta ay nolosha ka kaalin galayaan ay la garab joogi doonaan wax kasta oo ay u baahdaan dhanka kale waxay 2dan Masuul Bulshada Somaliyeed ee daafaha dunida kala joogta ugu baaqeen iney kala soo qeybqaataan Barnaamijkan lagu badbaadinayo Agoomaha ka soo jeeda Qoysaka danyarta ah ee Magaalada Hargeisa iyagoo sheegay inaaney wax caawimo ah Urur ahaan ka helin dibad iyo gude balse ay tahay wax jeebkooda ah iyo wixii ay ka helaan wallaalaha somalida ah ee muxsiniinta ah.

WP_20130723_005

Xussein Cilmi Madar iyo A/qadir Eid oo iyaguna ah Agaasimka Barnaamijka Agoonta sidoo kalena ah Wakiilada Ururka Hiil ee Magaada Hargeisa ayaa sheegay dhankooda siday u faraxti galineyso in Marwalba deeqo kala duwan soo gaadhaan Qoysaska Agoomaha ah.

Ugu danbeyntiina waxaa Madasha ka hadlay Barkhad Jama Hirsi oo ah lataliyaha Madaxweynaha Arimahad Dadka laga tirada badan yahay kuwaas oo qoysaska Agoomahan ahi dhamaantood wada yihiin hayb ahaan kuwo ka soo jeeda Bulshadaas, waxaanu Barkhad si qiimo badan ula dardaarmay Caruurta Agoomaha ah isaga oo ku dhiiri galiyey iney waxbarashada xooga saaran una hoga tusaaleeyey sida ay Alle xagiisa ugu fududahay iney Talada wadanka qabtaan oo Madaxweynayaal ka noqon karaan, Barkhad ayaa dhanka kale Amaan iyo duco u soo jeediyey Ururka Hiil waxaa iyaduna wax lagu farxo ah oo wax weyna ah in Caruurtan intooda badan yihiin kuwo ku fiican waxbarashada dhanka ay qaarkood hadda dhameynayaan Dugsiga hoose dhex una gudbayaan dugsiga sare, badh kalena yihiin kuwo xiftisan Qur,aanka Alle muddadii Ururka Hiil gacanta ku hayey

Haddii aad Rabto Akhriste inaad Qof Agoon ah wax tarto si Alle Janadiisa kugu Casuumo kala xidhiidh Maamulka iyo Masuuliyiinta Ururka Ciwaanada Hoos ku qoran.

 

info@hiilrelief.net

www.hiilrelief.ne

 

Dahabshiil Bank Account: HRGD23161

 

+46700736708 /+46769457042 /+2524158063/4045522