“Waabeeyow Mashruuca Habar Jeclo Iyo Xirsi Gaab Ku Soo-dhiibaan Diradiralaynta Beelaha Habar Magaadle” Cali Guray

“Waabeeyow Mashruuca Habar Jeclo Iyo Xirsi Gaab Ku Soo-dhiibaan Diradiralaynta Beelaha Habar Magaadle” Cali Guray

Aug 26, 2013 Hargeysa(SM) – Guddoomiyaha Saddexaad Xisbiga Daryeelka Iyo Cadaalada (Ucid) Ahna Siyaasiga Weyn Md Ali Mohamed Yuusuf(Ali Gurey) Ayaa hadallo xanaf badan oo weerar ah ku soo qaaday Xildhibaan Waabeeye, Xirsi Iyo Beesha Habar Jeclo. Cali Guray ayaa bartiisa facebook-ga dhanbaal farriin ah ku soo qoray galabta, wuxuu sii qaawan uu weeraaray qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumada Somaliland. kuwaaso kala ah Xildhiiban Maxamed Xaaji Yuusuf(Waabeeye)Iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Ali Xaaji Xasan, Iyo Beesha Habar Jeclo. Fariinta qoraalkan ayaa Sidan u dhignaa ”DOQONAY DABKAA BE’

Wow ma Waabeeyaa Xirsi soo adeegsaday. Nin walaalkii doorsaday…. Ilaah derajadeyn waa ayaa hore loo yidhi. Kursiga dhiiga iyo xinjiraha leh ee uu ku fadhiyaa waa kii inaadeerkii Cabdiraxman Cabdilqaadir dhabarka lagaga jebiyay waxa aanu ka mid ahaa intii loo adeegsaday ee guusha uga dhigay madaxwayne Siilanyo ” ninkii dhabarka kaaga jabay ayaanu dhabarka ka soo jebinay” ee lagu yidhi hadaba kursigiisii adigu abaalgud u qaado ee yidhi haye.

Cabdicasiis iyo Muse ma adigaa wanaagooda jecin shiqi yahow. ALLOW YAA KU DOOXOO, HADANA AAN KU DILINOO, WAXAD DAMACSANTEE KALE, DIBADA ULA SOO BAXA. Waabeeyow dalbo juuqahaagu wax la dedo ka xeel dheer. Waxad jeceshahay ama jeclaan lahayd ha isku jabaan oo afka ha u wada dhacaan saw maaha.

KULMIYE waxad ugu jirtaa calooshaa ku hogaaminaysa iyo mashruuca Xirsi iyo H/jeclo wataan ee uu kola hargeysa Sacad Muse kula faqa ah kol na Burco Habar Yoonis kula faqa ah. Waxan ku leeyahay ma geydid in wax lagu yidhaahdo eh waanu idinka sokaynaa, waanu idinka shishaynaa. La wado Xirsi gaab iyo mashruuca h jeclo ee diradiraynta beelaha Habar Magaadle shiqiyahow

ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiyaha saddexaad Ee Xisbiga UCID

Ali Mohamed Yuusuf(Ali Gurey)