Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Laanta Finland oo Todobaadkan Socdaal ku gaalabixiyay xafiisyada XISBIGA Ee Gobolada dalka FINLAND.

Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Laanta Finland oo Todobaadkan Socdaal ku gaalabixiyay xafiisyada XISBIGA Ee Gobolada dalka FINLAND.

SONY DSC

 

Gudoomiya XISBIGA WADDANI Laanta Finland Mudane Abdirahman Ibrahim Cartan oo uu weheliyo Xoghayaha Wacyi gelinta iyo arimaha bulshada Mudane Abdikariim dayuur iyo xubno kale ayaa kormeer ku soo maray xafiisyada XISBIGU ku leeyahay Gobalada dalka FINLAND.

SONY DSC

 

Gudoomiyaha iyo xubnaha la socday Waftiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay gobolada ay booqdeen, oo ay kamid ahaayen Turku Iyo Tampere.

Waftiga ayaa Warbixino gudo iyo debedba leh siiyay gudiyada gobolada ay booqdeen isla markaana u kuur galayay kana dhegaystay warbixino ku saabsan hawlaha laamuhu sida ay u socdaan gaar ahaan arimaha dhaqaalaha iyo kobcinta taageerayaasha iyo wacyigelinta bulshada reer somlailand ee ku dhaqan Gobolada dadlka finland.

Warbixino waafiya oo waftiga deeqay ka dib waxa laysla qaatay in shir heer dal iyo heer degmoba leh la´isugu yimaado todobaadyada soo socda shirkaas oo ajandayaashiisa la-isla qaatay intii shirarku socdeen .

 

Shirkaas oo lagu soo dhawayn doono xubno cusub oo Gobalada iyo Caasimadaba kaga soo biiray XISBIGA.

Kulanki waftiga ayaa nabadqab ku soo dhamaaday, waxayna dib ugu soo laabteen Magaalada Helsinki Ee Caasimada dalka Finland .

 

 

Mohamed Hassan Matan

Helsinki Finland