Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif Ayaa Wuxuu Tacsi U Diray Dowladda Itoobiya Oo Ay Afar Ruux Kaga Geeriyoodeen Burburka Diyaarada

Aug 09 2013 Muqdisho(SM)-Hogaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay ka xun yihiin burburka ku yimid diyaarada uu lee yahay Militariga Dowladda Itoobiya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Hogaanka Ciidamada Amisom Mahamat Saleh Annadif, ayaa wuxuu tacsi uu u diray Dowladda Itoobiya, oo ay afar ruux kaga geeriyoodeen burburka diyaarada, halka laba kalana ay kaga dhaawacmayn.

War Saxaafadeed uu soo saaray Mahamat Saleh Annadif, ayaa wuxuu ku sheegay inay u gurmadeen diyaaradaan, xilligii uu dabka qabsanaayay, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkii qabsaday diyaaradaasi.

Masuulkaan ayaa wuxuu sheegay in labada ruux ee ku dhaawacmay diyaarada ku burburtay Garoonka Aadan Cadde, in lagu daaweynaayo Isbitaalka Ciidanka Amisom ee Xalane, oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaan ayaa waxay si khaldan ay dhuunta hore ugu dhufsatay dhulka, waxayna taasi sababtay in uu dab ka kaco, kuna burburto goobtaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay baaritaano ku sameyn doonto waxa keenay burburka ku yimid diyaaradaan, oo uu nooceedu yahay kuwa xamuulka qaada ee Militariga.

Hubkii saarnaa diyaarada burburtay, ayaa waxay sameynayeen qaraxyo inta badan laga maqlaayay Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka reer Muqdisho ay hadalhayaan burburka diyaaradaan.

Salaanmedia/Mogdisho