War Dag Dag Ah:Puntland Oo Dib U Celisey Markab Sida Raashin Mucaawino Oo Laga Soo Diray Magaaladda Muqdisho [WAR SAXAAFADEED}

Aug 10,2013 Bosaaso(SM) Waxaa xeebta Dekedda Bossaso soo gaaray Markab sida raashin mucaawino lagu sheegay oo laga soo diray magaalada Muqdisho laguna soo hagaajiyey Degmooyin gaar ah oo ka tirsan gobollada Dowladda Puntland, kaasoo aan Dowladda Puntland wax xiriir ah lagala soo samayn habayaraatee.
Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda Puntland waa mid xadgudub ku ah Dowladda Puntland iyo shuruucda dalka.
Arrintaan waxay Dowladda Puntland u magacawday Guddi Wasiiro ah inuu daraasad ka sameeyo go’aan-na ka gaaro. Guddigu markuu arkay Dukumentiga la socda Markabkaas, markuu daraasadeeyey qaabka raashinka loo soo abaabulay soo diristiisii, markuu xaqiiqsaday ula jeedooyinka iyo danaha siyaasadeed ee looga danlahaa, markuu Guddigu qiimeeyey in Dowladda Federaalka aysan wax codsi ama xiriir ah kala soo samayn Dowladda Puntland, wuxuu Guddigu go’aan ku gaaray in Markabkaas iyo raashinka uu sido dib loogu cesho meeshuu ka yimid.
Waxaa caddaatay in raashinkaani uu qeyb ka yahay siyaasad jahwareersan oo Dowladda Federaalka ay ka wado gudaha Soomaaliya, taasoo khilaafsan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo jiritaanka iyo Dastuurka Puntland.
Guddigu waxay aad uga xun yihiin Qoraaladda khaldan isna burinaaya ee ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo fadhigeedu yahay Muqdisho, Hey’adaasoo qoraal ku wargelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka inay sugto amaanka raashin lagu qeybiyo gudaha Puntland.
Dowladda Puntland waxay qoraal gaar ah u diraysaa Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo Dowladda Turkiga si jawaab kaafi ah looga soo bixiyo xadgudubkaan siyaasadeed oo ay Turkiga qeyb ka noqdeen.
Guddiga Wasiirada Puntland:
1. Wasiirka Amniga
2. Wasiirka Maaliyadda
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
4. Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda
5. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Salaanmedia Bosaaso