War Deg Deg Ah Dowlada iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Caawa isku mari waayay hal Qodob kuna heshiiyay Qodobo kale

Kismanyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Heshiis hordhac ah ay wada gaareen Xubnihii kala matalayay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madobe.

Wadahadalo qaatay dhoor maalin ayaa ugu dambeyn waxa labada Dhinac ay ku heshiiyeen Qodobo hordhac ah, iyadoona wali aysan jirin War Murtiyeed ay labada dhinac isku waafaqsan yihiin oo laga soo saaray Shirka Adis Ababa uga socda.

Qodabada labada dhinac isla garteen ayaa waxaa kamid ah:-

1- In Maamulka Jubaland State uu hada Hogaamiyo Sheekh Axmed Mdaoobe Magaca laga badalo lana qaato magaca Jubba Region

2- In Maamul KMG ah oo Mudo sanad ah loo sameeyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo uuna Maamulkaasi mudada sanadka ah uu Hogaamiyo Sheekh Amed Madoobe sidoo kale Gudoomiyaal Gobol ay yeeshaan Sadaxda Gobo lee Jubada Hoose , Jubada Dhaxe iyo Gedo. .

Qodobadan Hordhaca ah ayaa la sheegay in labada dhinac ay isla garteen kuna hesjiiyeen iyadoo sidoo kale ay jiraan Qodobo kale ay labada dhinac isla meel dhigeen iyo kuwa la isku diiday oo wali muran ka taagan yahay xalinteeda.

Qodobka ugu adag ee Shirka Caawa ilaa Maanta la isku fahmi waayay ayaa ah Maamulida Dakada iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo , sida loo qeybsanayo dakhliga kasoo baxa Garoonka iyo Dakada iyo cida soo magacaabeesa Maamulayaasha Garoonka iyo Dakada.
Labada Dhinac ayaa ilaa caawa aan isku Fahmin Qodobkaasi , waxaana Wararkii ugu Dambeeyay oon hada ka helnay Xarunta Shirka uu ka socdo sheegayaan in labada dhinac kala tageen iyagoon natiijo dhameestiran aan ka gaarin Shirka .

Waxaa la filayaa in maalinta Berito ah in shirka uu halkaasi kasii socdo ayna dib isugu soo laabtaan ergayda kala mataleysa Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe , labada Dhionac ayaana la tilmaamayaa in ay Guddi u saareen sidii loo dhameyn lahaa Qodobkan adag ee wali la isku mari la’yahay.

Waxii Warar Dheeraad ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayag Dambe Insha Allah

Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia