Wasiir Cukuse Daneynaya Horumarka Wabaahinta Somaliland ! By Khaalid Xabsi

cukuse

Hore waxaan Qalin ku faalleeyey waayo-aragnimadda uu Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) u leeyahay Mihnadda Warbaahinta, taas oo aan Faalladdayadii u iftiimiyay, xog-ogaal-nimadiisa iyo duruufaha ku xeeran hay’addaha Wartabinta Dalka oo uu xog-ogaal u yahay duruufaha ku xeeran, isla-markaana wax badan ka yaqaano hanaanka ay u shaqayso Saxaafaddu.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu muddadii Koobnayd ee uu hayay Xilka Wasaaradda Warfaafunta uu dar-dar galiyay shaqadda uu qaranka uu ugu igman-yahay, waxaanu dar-dar galiyay Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta, kaas ay hir-gashay inay hawadda soo gasho Idaacadd Bulshaddu si toos ah uga dhagaysato Bisha barakaysan ee Ramaddaan Qur’aanka Kariimka.

Aadamaha ALLE SWT abuuray waa kala aragti, kala dhaqamo, kala dabeecad, balse waxay Bulshadu soo dhaweysaa mar- kasta Masuulka Xilka qaran ee uu hayo si buuxdda uga soo baxa, waayo Shacabku waa daneeyayaasha mar- kasta jecel in loo adeego oo loo muujiyo wax-qabad taabo-gal ah si quluubtooda ay u gasho Nidaamka Dawladdanimo ee Dalka ka jira.

Wasiir Cukuse ayaa Bulshadda Somaliland ay aragtiyo kala duwan ka bixisaa marka uu ka hadlayo Warbaahinta, isaga oo caan ku ah inuu adeegsado weedho Balaaqadoodu nuxur ahaan xambaarsan-tahay kuwo soo jiidasho leh, isaga oo inta badan qaab taxadir leh uga jawaaba haddaba Su’aalaha Saxaafaddu weydiiyaan ee ku aadan Mawduuca uu ka hadlo.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo February 20 2011 xiligaas ahaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo Wabaahinta la hadlay ayaa jawaab ka bixiyay, hadalo ka soo yeedhay Maamuladda ka jira Somalia ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo xiligaas sheegay inay qabanayaan shir dib u heshiineed oo ay Somaliland ka mid tahay.

Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu ku cel-celinaynaa in dawlada iyo qaranka Somaliland ay ixtiraamayaan deganaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqada iyo jaarnimo wanaag lagu wada noolaado, idinku waxaad tihiin maamul goboleedyo ka tirsan Soomaaliya, anaguna waxaanu nahay Somaliland oo ka madaxbanaan wixii la isku odhan jiray Somalia, waxaanu maamuladaa ka codsanaynaa in sida aanu u ixtiraano jaarnimada iyo wada daganaansha in ay iyaguna u ixtiraamaan, qarankan Somaliland-na waa qaran jira, mana aha mid maanta u sheegaya jiritaankiisa maamulada Puntland iyo Galmudug, xaqiiqatan bulshada caalamku waa mid ka dharagsan oo og in ay Somaliland tahay dal madaxbanaan, markaa waa in ay maamuladaasi ilaaliyaan daris wanaaga ka go’an Somaliland”.

Khalid Ibraahim Cabdi (Xabsi)