Wasiir Cukuse Oo Ku Nuux-Nuuxsaday 10-ka Qoddob ee ugu Mudan Wax-qabadka Xukuumadda

Hargeysa (SM) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa faahfaahin iyo sharaxaad ka bixiyay waxqabadka ee ay xukuumadda Somalilad ku tallaabsatay saddexdii sanno ee ay jirtay iyo weliba guulaha qaran ahaan la gaadhay muddadaas.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu si gaar ah u lafo-guray tobanka qodob ee ugu waawayn waxqabadka xukuummadda Somaliland ee maanta talada dalka haysa, kuwaasi oo uu ku tilmaamay guulo la taaban karo oo ay bulshada indhahoodu si cad u arkayaan kuna qanacsan yihiin.

Wasiirka wasaaradda warfaafintu waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad dib loogu furayay madaarka diyaaradaha magaaladda Hargeysa oo muddo dibu-dhsis ku socday, waxaanu yidhi, “Dawladnimaddii Somliland ee aynu soo dhisnay sannadkii 1991-kii, maalin walba xabad laban ah ayaa ciddii markaa joogtay ay ku daraysay oo dhismahaasi istaagayay, laakiin dawladnimaddii waxa ay si rasmi ah u sugantay oo ay u hirgashay, waa markii ciidamaddii Jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwanaa uu madaxweynaheena maanta joogaa ku dhiiraday in uu toban kun oo askari derajo u qaybiyo oo aanay deero-deero hirdiyin buuqna aanu ka soo bixin, ninka aan taa arkaynina Illaahay ha caafiyo.”

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa kale oo uu intaa raaciyay, “Dawladnimada waxa astaan muhiim u ah, in lacagteedu dalka oo dhan wada gaadhi karto. Xukuumadda maanta ayaa ku dhiiratay oo fullisay lacagteena oo degmada Sheekh ku ekayd iyo wixii galbeed ka soo xiga Kalabaydh. Xukuumadda maanta joogta ayaa sugtay in lacagtii Somaliland ka wada shaqayso bari iyo galbeedba.”

Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Somaliland ay waxbarashadii dugsiyada dawladda ka dhigtay mid lagu dhigto bilaash, dadka danyarta ah awgeed, “Dadku isku dhaqaale iyo isku dakhli maaha, danyarta ayaa inagu badan, waxaynu ka soo doognay jabhado iyo abaaro, qaxoontiyo ayaynu ka soo xorownay, waxbarashada Iskuuladuna maalinba maalinta ka dambaysa horumar ayay gaadhayaan, dadka suuro-gal umay wada ahayn in ay caruurtoodu waxbarasho wada hesho, xukuumadda maanta joogta ayaa ku guulaysatay in danyarta darteed ay waxbarashada bilaash uga dhigto.”

Cabdillaahi Cukuse waxa uu intaa raaciyay, “Dawladdeena waxa xarumo u ahaa oo ay xafiisyo ka dhigatay halkii ay fadhiyi jireen isu-duwayaashii dawladdii aynu ridnay ee Maxamed Siyaad Barre, way ku yarayd magac lagu sheego wasaaraddo, Isu-duwe ayaa fadhiyi jiray, afar ilaa shan qol ayay wasaaradduhu ka koobnaan jireen, xukuumaddeena maanta ayaa sugtay oo ah dawladdii ugu horraysay ee sagaal wasaaraddood xarumo u dhistay, wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda qorshaynta, wasaaradda kalluumaysiga, wasaaradda ciyaaraha, wasaaradda xannaanada xoolaha, wasaaradda duulista iyo hawada, wasaaradda gaashaan-dhiga, dhamaan wasaaraddahaas oo dhan oo saddex qudha la inaga caawiyay, inta kale miisaaniyadda dawladda ayaa laga dhisay, mid waliba waa laba ama saddex dabaq.”

“Siyaasadeena arrimaha dibadda way cabudhsanayd, wax kale oo cudur ahi muu haynin, in aynu dibadda u baxno oo aynu waxeena sheegan karno ayaynaan karti u lahaan jirin, inaga ayaa kala baqan jirnay, xukuumadda maanta ayaa ku dhiirratay in ay dunnidii dibadda ugu baxdo oo ay Soomaaliyana dibadda kula garnaqsato, kii ajannabi ahna ay hortiisa wax uga sheegto oo ay shirarka caalamka ka qayb gasho, waa siyaasad cusub oo ay xukuumaddani hirgelisay, waa siyaasadda keentay in aynu dawladdo waawayn ka wada hadalno in aynu shir ka qayb galayno iyo in aynaan ka qayb galaynin, waa siyaasadda keentay in aynu dawladdo waawayn wax isku diidi karno waxna isku raaci karno, siyaasaddaa furfurana waxaa keentay xukuumadda maanta joogta ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu intaa ku daray, “Markii ugu horraysay dalkeenu wuxuu yeeshay qorshe shan sannadood ah oo qoran oo buugaag ah, oo qofkii ajinabi ah ee inoo yimaadana loo dhiibo, qofkii inaga ah ee xafiis fadhiyaana ku shaqeeyo oo dalkeena baahida taallana laga akhriyi karo, waxa uu ku hamiyayana laga akhriyo, xukuumadan ayaa ugu horraysay buug intaa leeg oo qorshe shan sannadood ah xukuumad diyaarisa.”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxa kale oo uu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata, “Toban sannadood oo dheeraad ah ayay goleyaasheenii deegaanka ee hore ay ku fadhiyeen kursiga, muddo shan sannadood oo kaliya ah ayaa la doortay. dimuquraadiyaddu tiirarka aynu ku faano ayay ahayd, iyada oo ragaaday oo dimuquraadiyaddu saqiirayso oo saddex door ay doorashooyinkii dib u dhaceen, xukuumaddan ayaa ku dhiiratay, wixii ay xukuumadihii hore ka baqayeena u badheedhay, waxaa la qabtay doorashadii goleyaasha deegaanka, dib ayay u curatay dimuquraadiyaddii dalka ee saqiiraysay.”

“Toban kun oo askari oo derajada min Alif iyo Janan la siiyay, waxaa dheeraa shaqaalaheena iyo ciidamadeena mushaharkoodu kumuu qiyaasnayn baahida qorigooda, kumuu qiyaasnayn baahidooda, kumuu qiyaasnayn haynta dawladda, kumuu qiyaasnayn waxbaba, waxoogaa yar ayuu ahaa xukuumaddani laba goor tiraba ayay mar walba boqolkiiba boqol u kordhisay, maanta guryahoodana waa laga dareemayaa, nolosha caadiga ahna waa laga dareemayaa.”

Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku sii ladhay, “Miisaaniyadda xukuumadda dhexe, maanta waxa ay maraysaa boqol, shan iyo labaatan milyan. xukuumaddani saddex sanno ka hor waxa ay ugu timi iyada oo ay miisaaniyadda dawadda dhexe ay tahay siddeed iyo afartan milyan kaliya imisa jeer ayay laban laaban tahay? Xukuumaddani meel kale kumay leexin ee dadka ayuun bay ku celisay ama derajo ayay ku kordhisay ama dhisme ayay gelisay ama waddooyin ayay gelisay ama madaarro ayay gelisay amaba shaqaalaha ayay u saddex laabtay, musuqmaasaquna agteena waa ceeb.”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdillaahi Somaliland Maxamed Daahir (Cukuse) waxa kale oo uu intaa ku daray, “Dalkeena baahida ugu wayn ee taalay waxay ahayd bal in la helo idaacad iyo telefiishan dunida oo dhan wada gaadha xuumaddan maanta ayaa samaysay.”
Salaanmedia/Hargeysa