Wasiir Waran-cadde Oo Baaq Nabadda Ku Wajahan U diray Shacbiga Somaliland

warancade

HARGEYSA (SM)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta farriin dhinaca ammaanka ah u diray shacabka Somaliland oo uu ku amaanay sida qiimaha badan ee ay had iyo goor u ilaashadaan ammaankooda.

Mudane warancadde waxa uu ku adkeeyey shacabka in sidii ay horeba u ilaashan jireen ay ku faro adaygaan nabadgelyadooda inta lagu jiro munaasabadda ciidul-fidriga.

Isagoo ugu baaqay in dhamaan shacabku ay u shaqeeyaan sida ciidamada Booliska meelna looga soo wada jeesto sidii dalka iyo dadweynuhuba ugu sii jiri lahaayeen deganaansho iyo xasilooni.

Dhanka kalena Wasiir ku xigeenka ammaanka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa isna warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanku ay ku gudo jiraan adkaynta ammaanka inta lagu jiro munaasabadda ciidul-fidriga, si gaar ahna wax looga qabtay dhalinyaro yaryar oo magaalooyinka qaarkood ka sameeya falal suuq joognimo, kuwaasoo intoodii la qabtay Cadaaladda la hor gayn doono. Taasina ay keentay in falalka noocaas ah ay hoos u dhacaan bilihii u dambeeyey.

Md Cabdilaahi waxa uu sheegay in ay wasaarad ahaan ku kalsoon yihiin xaaladda amaan ee dalka isla markaana ay u rajaynayaan shacabka Somaliland inay ku ciidaan nabadgelyo iyo xasilooni.

Salaanmedia/Hargaysa