Wasiirka Difaaca Ee Dalka Jabuuti Oo Saanad Milateri U Ballan Qaaday Dawlada Soomaaliya

Muqdisho(SM)-Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyada Jabuuti oo booqasho ku jooga magaalada Baladweyne ayaa shalay mar uu warbaahinta kula hadlay isla magaaladaasi sheegay inuu dalkiisu taageero milateri siin doon-no dawlada Soomaaliya. untitled

Waxaana ka mid ahaa hadaladii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti “ Waxaanu idinka Caawineynaa saanada ciidanka , tababarada iyo Xaqiijinta Nabad Gelyada”.

Waftigan uu hogaaminayo wasiirka difaaca ee dalka Jabuuti ee shalay gaadhay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa si weyn gegida diyaaradaha ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socday xukumada Soomaaliya sida wasiirka difaaca, ururada bulshada iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Jabuuti ee imika gacanta ku hayya magaalada Baladweyne.