Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah ay u hirgeliyeen mushaar kordhin

news

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah ay u hirgeliyeen mushaar kordhin loo sameeyay ciidamada xooga dalka, kaasoo dhowaan ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, markii ay soo gudbisay Golaha Wasiirada.

Wareysi uu siiyay Raadiyaha dowladda ayuu Wasiirku gaashaandhiga ku sheegay inay ahmiyad gaar ah ay siinayaan ciidamada qalabka sida, si sare loogu qaado moralkooda, isla markaana mushaarkooda ay siinayaan bil walba.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay siiso muhiimada ugu weyn iyadoo meel u dhigeysa xuquuqda ay wadanka ku leeyihiin waxeyna mushaarooyinka ay dowladu hadda u kordhisay 100% waxaa kaloo dowladu u kordhisay lacagtii raashin ahaan ay u qaadan jireen oo iyadana 100% loo kordhiyay”ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay meel marinta qorshaha lagu tayeynayo ciidamada, laguna hormarinayo, sida tababarka, baahidooda aas-aasiga iyo xuquuqdooda.

Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan dib loo bilaabi doono howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo rajo ka muujiyay in Shabaab ay ka saaraan qeybo ka mid ah gobolada dalka ay ku sugan yihiin sida uu yidhi.

Dowladda Soomaaliya ayaa indhawaalaba waday qorshayaal ay ku tayeyneyso ciidamada qalabka sida, iyadoo gudaha dalka u soo wareejisay tababaradii ciidamada ee lagu siin jiray dalka dibadiisa, isla markaana dhowaan tababaro loo soo xiray kumanaan askari ay dalka gudihiisa ku tababareen saraakiil Soomaali iyo Saraakiil Midowga Yurub ka socotay.

Salaanmedia/Mogdisho