Wasiirka Madaxtooyadda Oo Beeniyay Inuu Gurri Ka Iibsaday Xaafadda Pepsiga Ee Hargeysa

Hargeysa (SM)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay war uu baahiyay wargeyska WAAHEEN oo sheegayay inuu Gurri weyn oo ay lahayd Qarrammadda Midoobay qeybta qaabilsan la dagaalanka Ayaxa uu ka iibsaday xaafadda Pepsiga ee Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyadda oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay warkaasi, waxaanu ugu baaqay wargeyska WAAHEEN inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah.

“Waa been aan sal iyo raadtoona lahayn, mana jiro wax Gurri ah oo aan iibsaday warkaas uu qoray WAAHEEN-na waxaan u arkaa mid ka mid ah wararka beenta ah ee ay iga baahiyeen,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu ku dar-daaray WAAHEEN inay iska daayaan wararka been abuurka ah ee ay ku dhaawacayaan karaamadda masuuliyiinta qaranka.

 

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho Waheen