Waxaan la yaabay! Qaybtii 3aad

 migiste

Waxaan la yaabay!

 

Qaybtii 3aad

 

Meel dhac-dhac leh noogu dhiib(meel uu caruurta ku korsado,meel uu ka xoogsado)

 

Waxaan la yaabay,waa qormooyin taxane ah ,oo aan si joogta ah ugu soo gudbin doono ,saxaafada xorta ah iyo dadweynaha faraha badan ee akhristayaasha ah .Qormooyinkan waxaan ku iftiimin doonaa ,arimo badan oo kala duwan kana tarjumaya xaalada dhabta ah ee maanta ka jirta Somaliland .Runtii marka aad aragto amase dadka xogagaalka u ahi kaaga sheekeeyaan,waxay kugu noqonayaan la yaab iyo amakaag. Waatan qayb kale oo ka mid, qormooyinkii waxaan la yaabay.

 

Waxay ahayd goor fiid ah,taariikhduna ahayd Nov 2012,waxaanu fadhinay aniga iyo nin  aanu saaxiib nahay  mid ka mid ah Hotel-da waaweyn ee magaalaga Hargeysa.Waxaa si kedis ah noola soo fadhiistay kuraastii aanu fadhinay koox isugu jirta Salaadiin,Aqoon yahano,iyo Masuuliyiin Qaran,(ogoow wadanka waa la fadhiistaa,waxna lama kala qarsado).

waxay u muuqdeen in ay dhamaantood isku Beel ka soo jeedaan.Waxaa la socday kooxdaas amase aad moodaysay in ay wadeen laba nin,kuwaas oo ay wejigooda ka muuqatay daal iyo fara madhnaan dhinaca dhaqaalaha ah.Kaftan iyo  dalbashada shaah iyo sharaab ka dib kooxdii waxay bilaabeen in ay ka sheekaystaan howl culus oo ay  beryahanba la baxaadegayeen sidii ay u dhameyn lahaayeen,runtii sida hadaladooda ka muuqata ay rajeynayaan in ay dhaqso ugu dhamaan doonto,.

hadalkoodiina sidan ayuu ku bilowday:-

 

“( Suldaanka)Gudoomiyaha Beesha ayaa hadalka bilaabay : –

Sida aynu la wada socono,waynagii maalintii dhoweyd shir isugu nimi Guriga Beesha,ma jirin cid Beesha ah oo maqnayd,waa la wada joogay,shirkaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in saamiga aynu Dowlada ku leenahay aynu raadsano,inagoo aan cidna uga haybadaysaneyn. Waxanu ahayn Guddidii loo saaray in ay arintaa soo dhamayso,wixii aanu ilaa hadda qabanay naga dhegaysta,Afhayeenka Beesha ayaan hadalka ku wareejinayaa.

 

 

 

 

 

Afhayeenka Beesha ayaa hadalkii qaatay:

 

Waanu tagnay maanta Madaxtooyada,cid walba waanu is aragnay,arinkii aanu u tagnayna meel fiican ayuu noo marayaa ,arimihii aad noo dirteen si fiican ayaanu  uga hadalay waxaa ka mid ahaa:-

 

  1. 1.    In labadaa nin ee inala fadhiya meel ladan loo dhiibo,dhac dhac leh,caruurta ay ku korsadaan, si inaga oo dhanna  ay magac iyo sharaf inoogu soo jiidaan.Runtii ilaa 3 Wasaaradood ayaa la yidhi ha loo dhiibo,annagaa diidnay Guddi ahaan,sababtoo  dhaqaale ma laha ,waxbana inaga soo geli mayaan,maxaynu ku falaynaa,waanu  diidnay.
  2. 2.    Runtii Madaxdii aanu la kulanay,way naga yeeleen,diidmadii,waxayna noo sheegeen in ay raadinayaa,meel ladan,oo dhac dhac leh,sida ugu dhaqsaha badana ay balan kale noogu soo qaban doonaan.

 

  1. 3.    Dhankayagana waxaa nalaga codsaday in aynu joojino  wixii  wax u dhimaya Qarannimada Somaliland ,wada noolanshaheeda,iyo nabad gelyadaa aynu haysano,ciidamada amaankana waa in aynu si buuxda ula shaqaynaa. Arimo badan oo kale ayaanu ka wada hadalay Madaxtooyada,laakiin hadda Hotel baynu fadhinaa ee waa inoo Beri iyo  Gurigii Suldaanka.

 

  1. 4.    Waxaa Madaxtooyadu si gaar ah nooga codsatay in aan Shir Jaraaid oo dambe ayeynaan qaban,oo aynaan saxaafada madaxbanaan la hadal,TV Qaranka ,Radio Hargeysa waa inoo diyaar ,in aynu ka hadalo,anaguna waanu yeelay arintaa.

 

Intaa ka dib waxaa hadalkii la wareegay 2dii nin  ee xilka loo raadinayey maanta oo dhanna Madaxtooyada loogu maqnaa,oo runtii ay wejigooda ka muuqatay,daal iyo in lagu raajiyey howshii loogu maqnaa,filayeyna in war deg deg ah ay  ka maqlaan kooxdan miisanka culus leh ee ay isku Beesha iyo xigtada yihiin.

 

Ninkii 1aad

 ayaa,inta uu dib yara fadhiistay wuxuu ku baanay in xilal hore oo uu soo qabtay uu runtii u gutay sidii  waajibku ahaa,waxaanu jidhi” Runtii berigii aan 6da  bilood Wasaaradaa joogay,waxaa xilka layga qaaday anigoo Gurina dhistay,midna qabyo yahay,waxaan iibsaday ilaa 3 Gaadhi,Gurigayga waxaan ka furnaa ilaa  Merfish lagu qayilo,waxaan Qaadka u qaadi jiray  Odayada oo dhan.Wasaaradaas oo kale i soo mari mayso,la heli maayo meel 6 bilood waxaas oo dhan laga heli karo.Waar nimanyahow marka xilka lagaa qaado ayuun baa busaaradi kugu habsanaysaa ayuu ku soo geba gebeeyey hadalkii isagoo weliba madax ruxaya.

 

 

Ninkii 2aad ,

ayaa hadalkii la wareegay,wuxuu si cadho leh uga sheekeeyey sababtii xilkii ugu dambeeyey ee uu Ummada u hayey looga qaaday,wuxuu yidhi;

“Waxaa Wasaarada la keenay qalab cusub oo Hayadi noogu deeqday,Kuraas  Xafiisyada  ayey u badney.Gurigayga ayaan geeyeyoo  u baahnaa,qaarna waxaan siiyey nin Beesha ah oo Iskuul yar ku furtay,qaarna waynagii isla ogeyn halkii ay mareen.Adeerayaal si deg deg ah ugu noqda Madaxtooyada oo ii soo dhameeya shaqada ayuu ku soo xidhay hadalkiisii ,isagoo cadhaysan madaxana aad u ruxaya.

 

“Waar imisa wiil ayaan idiin shaqaaleeyey,maxaa qurinaysaan wixii aan idiin qabtay,ayuu si cadho ku jirto u yidhi”

 

 

Suldaankii ayaa hadalkii soo geba gebeeyey,erayadiisiina waxaa ka mid ahaa “Nin aan fariid ahayn,cadkiisa aan goosaneyn,aan wax ka taransanayn Wasaarada loo dhiibo,anaga ayey nagu tahay sharaf dhac iyo ceeb in aanu xil u raadino, oo aanu maalin walba  Madaxtooyada u taagnaano,shirku waa inoo xidhan yahay,waa inoo beri iyo Gurigii Beesha—- mahadsanidin”

 

 

  Hadal iyo dhamaan waxaa  aad iyo aad iiga yaabiyey arimo ay ka mid yihiin:-

  1. 1.    Waxaa wada socda Suldaano,Aqoon yahan,odayaal magac leh,dhamaantood waxay kuwada socdaan hebel meel ladan noo geeya,weliba waxay ula tegayaan Madaxda Qaranka.

 

  1. 2.    Waxaa ka sii yaab badan Masuulkii ay ula tageen oo isaguna ,kaga

la raali ah xatooyada ay doonayaan,oo leh “waan raadinayaa meel ladan ee isuga”.

 

Isku soo wada  duub oo waxaan aad ula yaabaa  marka aan arko nin dadkuba tuug u wada yaqaan oo haddana xil Ummadda haya iyo,weliba  isagoo ka sheekeynaya in uu ka  xun yahay  meesha loo dhiibay oo aan wax dhac –dhac ah lahayn

 

 

— la soco todobadka dambe iyo qaybtii  4aad   « Baabuur dollar sida Madaxtooyada  iyo wiil haraad ugu il daran duleedka Berbera ,oo aan labadaba la kulmay ».  

 

Mahadsanidin

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

facebook : abdi saleiman

twitter. @_saleiman

skype :- abdi Saleiman.

Linkedin abdi saleiman

 

 

Nabada khal khal ha gelin !.

 


Waxaan laa yaabay,waa qormooyin taxane ah ,oo aan si joogta ah ugu soo gudbin doono ,saxaafada xorta ah iyo dadweynaha faraha badan ee akhristayaasha ah .Qormooyinkan waxaan ku iftiimin doonaa ,arimo badan oo kala duwan kana tarjumaya xaalada dhabta ah ee maanta ka jirta Somaliland .Runtii marka aad aragto amase dadka xogagaalka u ahi kaaga sheekeeyaan,waxay kugu noqonayaan la yaab iyo amakaag. Qaybta ugu horeysana waxaa la yidhaahdaa « Nabada khal khal ha gelin »
Mudo aan sidaa u fogayn ayaa nin tuug ah , goor habeen badh ah u soo dhacay,guri ka mid ah guryaha magaalada Hargeysa.Ninkii tuugga ahaa wuxuu markiiba bilaabay in uu urursado,alaabta guriga taala wixii uu degta iyo gacanta ku qaadi karo,isagoo ku dhex jira urursiga alaabti guriga ,ayaa waxaa si kedis ah ugu toostay qof Dumar ah oo waayeel ah(islaan da,ah),ahaydna hooyadii guriga deganaynd amase iska lahayd .
Markay indhaha isku dhufteen islaantii waayeelka ahayd iyo ninkii tuugga ahaa ee guriga u soo dhacay ,ayaa waxay damacday islaantii waayeelka hayd in ay qayliso oo ay tidhaahda ALLA tuugga qabta—— tuugga qabta.
Ninkii tuugga ahaa ayaa dareemay in islaanta waayeelka ahi doonayso in ay ku qayliso,ka dibna ninkii tuugga ahaa inta uu ku soo dhowaaday, si kululna u eegay islaantii waayeelka ahayd ,ayuu ku yidhi « hooyo nabada khal khal ha gelin »,wuxuu u sii raaciyey « Hooyo,haddii aad qayliso,oo aad dadka igu toosiso,Askartaa ina maqlaysa,rasaas bay ridayaan,aniguna ,rasaas ayaan ku ridayaa,ka dib waxaa laga yaabaa in dagaal weyni dhaco,oo Qabiilkayga iyo Qabiilo kale dagaalamaan,dadku qaxaan, oo ay nabaduba khal khal gasho, alaabta waan qaadanaya, adiguna aamus oo ha qaylin,haddii kale nabada ayaad khal khal gelinaysaa wixii dadka iyo dalka reer Somaliland gaadhana adigaa ka masuul noqon doona.
Hooyaddii waayeelka ahayd talo ayaa ku cadaatay,waxay ka fekertay in ay qayliso oo ninkaa tuugga ah alaabteeda looga reebo iyo in ay tixgeliso codsigii ninka tuugga ah ee ahaa , « haddii aad qayliso nabada ayaa khal khal gelaysa ».
Hooyadaasi( islaantii) iyadoo tixgelinta nabada, deganaanta dalka,wada noolanshaha shacabka waxay goosatay in aanay qaylin, oo ay iska aamusto,tuugana u ogolaato in uu iska qaato allaabteeda,sababtoo ah waxay u qaadatay haddii ay qayliso,oo tuugga qabta – tuugga qabta ay tidhaahdo in nabadu ay khalkhal gelayso,dalka iyo dadkana ay dhibaato wayni soo gaadhi doonto,sidaas ayaa ninkii tuugga ahaa alaabtii ku qaatay,kuna nabad galay.
Hadal iyo dhamaan nabada Somaliland ka jirtaa waxay noqotay,xeelad loo adeegsado boobka xoolaha ummadda,Cabudhinta muwaadinka, soo nooleynta Qabyaalada ,ku tumashada Shuruucda dalka iyo cadaalad darada meel walba taala dalka iyo dadkuba ku hafteen.
— la soco todobadka dambe iyo qaybtii 2aad (Maadigaa yidhi Somaliland la aqoonsan maayo) ?——
Mahadsanidin.
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
facebook : abdi saleiman
skype :- abdi Saleiman