“Waxaan u Arragnaa Socdaalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland inay tahay daan-daansi”

Somaliland Oo Sheegtay In M/Xigeenka Puntland Qaadi Doono Masuuliyadda wixii ka dhasha socdaalkiisa Taleex

“Waxaanu heegan gelinay Ciidammadayadda jiida hore, si aan loogu soo xad-gudbin xuduudda Somaliland”

Oog (SM)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabo ka qaadi doonto Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo ay ku eedeysay inuu ku soo xad-gudbay xuduuda Somaliland, ka dib markii C/Samad Cali Shirre uu galabta soo gaadhay degmadda Taleex ee gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu galabta Saxaafadda kula hadlay degmadda Oog oo uu socdaal ku joogo.

“Waxaan Jecelahay inaan digniin u jeediyo madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo la sheegay inuu ku soo xad-gudbay xuduudda Somaliland oo uu yimid Taleex, waxaanu leenahay arrintani waa mid ka hor imanaysa daris-wanaagii noo dhaxeeyay annagga (Somaliland) iyo Soomaaliya. Waxaanan u arragnaa inay tahay daan-daansi,”ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiir Cali Waran-cadde oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay “Arrintani (socdaalka madaxweyne Ku xigeenka Puntland) waxay halis ku noqonaysaa nabad-gelyadda deegaanka Taleex ka jirtay. Waxaanu u sheegaynaa mar haddii sidaasi dhacday in Madaxweyne Ku xigeenkaasi masuul ka yahay wixii halkaasi ka yimaadda.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay heegan culus geliyeen ciidammadda qaranka ee jiida hore “Waxaanu heegan gelinay Ciidammadayadda jiida hore, si aan loogu soo xad-gudbin xuduudda Somaliland. Waayo xuduudda Somaliland waa xuduud caalami ah, waana xuduuddii Ingiriiskii ka tagay.”

Mr. Cali Waran-cadde waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala leeyihiin soohdimo mucayin ah, cidii ku soo xad-gudubta xadka Somaliland-na ay ciidammadda qaranku tallaabo adag ka qaadi doonaan.

 

Salaanmedia/Hargaysa