Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Waxaannu u sheegaynaa xibiga UCID Erayada Xanafta iyo Qadafka Kordhiyaanna xasaasiyad iyo kala fogaansho bulshada ah Eedaymihii Shalay waa qaar u baahnaan

image

Waxaannu u sheegaynaa xibiga UCID  Erayada Xanafta iyo Qadafka Kordhiyaanna xasaasiyad iyo kala fogaansho bulshada ah Eedaymihii Shalay  waa qaar u baahnaan doona in loo gudbiyo Hay’adaha Sharciga oo adigana (Guddoomiyaha UCID) caddayntooda lagaaga fadhiyo   Xisbiga Kulmiy

Hargeysa(SM) Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa WarSaxaafadeed uu Soo Saaray kaga Hadlay Xadgudbka Puntland ee Gobolada Barri..

Warsaxafadeedka ayaa u Dhignaa Sidatan oo Goor Dhawayd ay Soo gaadhay Shabakada Salaanmedia.

Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa gardaro iyo xad-gudub Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Putland kula kacday xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.

Xuduudaha Somaliland  waxay la mid yihiin kuwa dalalka African-ka ku dhisan yihiin, sidii lagu aasasay uruka  Midawga Afrika iyo kuwii ka horeeyeyba.

Maamulka Puntland waxay ka tirsan tahay sharciyan wadanka Soomaaliya ee uu talyaanigu guumaysan jiray, sidaa darteed Madaxwayne-ku-xigeenka Puntland inuu xuduudaha Somaliland soo faragaliyaa waxay ka soo horjeeda qawaaniinta caalamiga ah, qabaa’ilada Afrika iyo adduunka oo dhami waxay ku kala nool yihiin dalal kala duwan, macquul maaha inay Puntland ku andacooto isir ahaan baannu u leenahay deegannadaas.

Waxay ka soo horjeeddaa hannaanka siyaasadeed ee adduunku ku dhisan yahay, Afrika ay ku dhisan tahay iyo habka ay u shaqeeyaan ururrada caalamiga ah; sida UN iyo AU.

Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynnaa inay Putland joojiso xad-gudubka iyo farogalinta ay kula kacayso xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay diyaar u tahay nabad, iskaashi iyo jaarnimo, waxayna ka soo horjeedaa inay gobolka ka kacaan colaado aan loo baahnayn, waase ku waajib Somaliland inay difaacato xuduudeheeda iyo qarannimadeeda.

Waxa kaloo iyana xusid mudan warar maalmihii u dambeeyay saxaafadda ku baahinayay xisbiga UCID, waxaannu xisbiga KULMIYE ka taaganyahay eedahaa xisbiga UCID; baryahan dambe guddoomiyaha xisbiga UCID waxa ka soo yeedhayey weedho xanaf leh iyo eedaymo culus oo ku waajahan Madaxwaynaha.

Haddaba, waxaannu u sheegaynaa xibiga UCID inaan erayada xanafta iyo qadafka ah aannu waxba tarin ee ay ummadda kala fogeeyaan,  kordhiyaanna xasaasiyad iyo kala fogaansho bulshada ah. Eedaymihii shalay (Salaasadii) ku qornaa wargayska Geeska Afrika waa qaar u baahnaan doona in loo gudbiyo hay’adaha sharciga oo adigana (Guddoomiyaha UCID) caddayntooda lagaaga fadhiyo.

Xisbiyada qaranku waa inay ummadda u horseedaan isku soo dhawaansho, iskaashi iyo talo hormarineed, waxaanuna u soo jeedinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID inuu si waayeelnimo ah wixii talo ah ee qaranka anfacaya u soo jeediyo.

Madaxwaynaha qaranku wuxuu leeyahay karaamo iyo xisaanad dastuurku huwiyey, sidaa darteed marka talo la soo jeedinayo waa in hab qadarin iyo is-qancin ah wax la isugu sheeego.

 

ALLAA MAHADLE

Xasan Siciid Yuusuf

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

 

 




Leave a Reply