Waxqabadka xukuumadda hadu dhayda ayey ka cadahaya: Balse Qalooc baa qaranka galay.

Waxqabadka xukuumadda hadu dhayda ayey ka cadahaya: Balse Qalooc baa qaranka galay.

 

Written by: Daauud

Published: 11/08/2013 @ 14:53

 

 ahmed ciise

 

Waxqabadka xukuumadda hadu dhayda ayey ka cadahaya:  Balse Qalooc baa qaranka galay.

 

Maqaalkan waxa uu isku dayayaa inuu ka jawaabo (attempts to answer) suaasha ah, xukumada hadu horumar la taaban karo (measured development) ayey  horseeday, maxaase hakadka galiyey?  Waxa uu  maqaalkani suaasha jawaabtaa  kaga xoog warami doonaa waayo araganimadayda siyaasadda asaaxbta mucaaridka ugu jiray ilaa intay Somaliand ka hana qaaday hanaanka asxaabta tirada badan iyo aqoontayda la xidhiidha cimiga bulshada.

 

Jawaabta suaasha waxaynu uu kala guraynaa aragtiyo badan oo is barkan (myriads of convoluted issues) sida:

 

  1. Dawladda hadda Maddaxwayne Axmed Maxamed Siilanyo.

Maddaxwaynaha hada waxaay tariihkhdiisa ilaa hada ay xusaysaa inuu yahay samakatalis danta qaranka dantiisa ka doorbiday, waxaa ta ka marag kacaysa markuu 80 cod oo mugddi badanni kor huwanaa uga hadhay danta guud –  doorashadii maddaxtinamada ee ugu horeeysay ee dalka ka dhacaday. Marka xigtana waxa ay markale taariikhidiisu  xusaysaa inuu yahay shakhsiyad musqmaasuqa iyo is-dabamarinta  waligii aan lala xidhiidhin, islamarkaan  leh, karti, hufnaan iyo maamul wanaag xilgudasho leh (entwined with robust public office execution).

 

Iyadoo taariikhidaa maddaxwaynahu huwan yahay, waxa uu sanadkii ugu horeeyey dalka u horseeday  horumar indhaha shacbiga reer Somaliland iyo caalamkaba soo jiitay, waxana mar kale ka markhaati kacaysa –  iyadoo dawlda hadu miisaaniyadii kor u kacaday 100%-  dhinaca dhaqaalaha, inuu noqday maddaxwaynihii ugu horeyey ee Somaliland ee lagu qaabilo Downing street – dhinaca siyaasadda arimaha dibada iyo isagoo soo dhisay dawlad kooban oo tayo leh – dhinaca maamul wanaaga. Waxay intaasi oo dhami ay horseedeen inuu dalka uu ka talaabsaday horumar la taaban karo.

 

Hadaba maxaa hakadka galiyey yoolkii  horumarineed ee dalku ku wajahnaa?Suaasha jawaabtan waxaa ku arooraysaa laba qodob.

 

Waa ta kowaad, waa mid cadowga Somaliland  loo nasabayn karo. Cadowga Somaliland markasta waa inagu soo maqnaa; isagoo isku dayey inuu dhexdeena ka huriyo  dagaal sokeeye oo lagu hoobto  iyo inuu dagaal aragagaxisnimo  inagaga dhextooso. Waa ta hore, waxaa u surto gashay cadwaga in bulshadeena  galiyo aragtiyo qabyaaladaysan maanta. Waxaa tusaale cad u ah, odayaasha maanta maddaxwaynaha ku weerara maalin kasta, reer Qudhac haddaanu nahay saami qaybsigayigii dawlada hada kama muuqdo – taasi maanta wata ina dhaxalsiisay inuu horumarkii dalku hakad galo. Waatii laga hayey ninkii xikmada badnaa – Ruqe ninkii lahaa dabadda hayaa ma kacdo.Maddaxwaynaha  waxaa u qabiilkii Jiiq ku siiyey in ninkii kartida lahaa ee samokataliskaa ka ahaa xilka looga qaado kii heeryo cunaha ahaa. Taasina waata  xagal daaca iyo qalooca galisay xukuumada hadda (the government should have never given in to these demands). Waxaan aafadani qalooca   qaranka u horseeday ku xusay maqaalkaygii ahaa- halka guji Fadlan https://salaanmedia.com/?p=12184

 

Waxaa kaloo xsuid mudan inse shacabiga Somaliland dhinca nabadgalyada cadawga Somaliland sutida u qabtay cadawgiina ku guul daraystay  inuu dagaal dambe oo uu argagaxisnimo uu dalka ka rido. Balse ilaa mantase uu inagu soo maqan yahay sida ku xusan talooyinka ay dawlada Ingriisku siiso dadkeeda oo ku xusto ilaa imika in uu cadowga Somaliland uu ku hawlan yahay mareegida  weeraro aragagaxisnimo uu dalka kaga rido guji halkanhttps://www.gov.uk/foreign-travel-advice/somalia

 

Dhinaca kalena waxay tahay inay dhaalilo cad cad oo togan ay leedahay dawlada haddu. Maxay yihiin hadaba dhaliilahaasi dawladu hada dul hoganayaa?

 

Dhaliilahaasi waxaa ka mid ah:

  1. Waxa ay dawlada uu maddaxwayne Axmed Maxamed siilanyo gadhwadeenka ka yahay  si badheedh ah wado hadalo   mudo dheer soconayey oo sumacaddii  iyo qaranimaddii mugddi iyo gorgortan galiyey ula gashay dawlada Somaaliya ee aan jaarka nahay. Tani waxay dhawaac wayn iyo dakhar ku tahay qaranimaddii iyo gooni isutaaga Somaliland. Xalku waxaa u ahaa inay joojiso sii socodka wada hadalkan islamarkii  ay ogaatay  maqufka  dawlada Somaaliya ay inaga istaagtay judhiiba balse dawlada hadu ay wada hadaladaasii ay iska sii dhex fadhiisatay.
  2.  Dawlada hadda oo rag karti iyo hufnaan wayn leh xilkii uga dajisay heeryo cuneqabiil wato oo aan lahayn karti, aqoon iyo argati  siyaasada oo xil gudasho leh; iyo
  3. Fool xumada kor hoganaysa xisbiga Kulmiye – Burburkii xisbigii UDUB ku yimid waxay ay hayid khasaare siyaasadeed kii ugu cuslaa ee  ku habsaday qaranka Somaliland. UDUB waxa u ahaa Xisbiggii horseeday dhidib u taagida iyo yagleelka iyo   dimoqraadiyada qaranka Somaliland. Maanta maddaxwaynaha dalku waxa uu ilaa imika tageersan yahay ama aanu waxba ka qaban wadada burburka ah ee xisbiga Kulmiye ku jihaysan yahay.Taaso oo ah,  in hantida qaranka lagu isticmaalo olale xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah oo horseeda in halyeeygii maddaxwaynaha guusha u horseeday – Mujaahid Muuse Biixi Cabdi loogaga turo xilka jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Haday taasi dhacdo waxa ay mugdi iyo raad xumo ku reebi doontaa taariikhida maddaxwaynaha hadda.

 

Taladu maxay tahay?

Talada habooni waa in siyaasada ah ku jiic-siida ah  ay Somaliland ka korta. Waxaa xusid mudan in siyaasada ku jiqsida tii ugu xumayid lagula kacay oo indho la’a oo dhago la,a  dawladdii Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali (maddaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland oo dalku dirqi kaga baxsaday burbur, Waxaa taa mid u dhiganta lagula kacay dawladdii madaxwayne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo iyan dirqi kaga fakatay inuu dalku burburo, waxaa taa mid la mid ah lagu weeraray dawladdii Madawayne Daahir Riyaal oo siyaasadda ku JIIQSIID AHI dabartay  waxqabadkii dawladiisi. Waxaa maanta dawlada hada la galiyey dabinka siyaasadaas ee Ku JIIQSIDA ah oo ay u muuqato mid ay  Somaliland ka kori laadahay ama anay waxba ka baran casharaddii ka soo maray. Hadaba taasi kama dhigna inay dawladaahasi anay midna qalooc ku jirin balse ay xaqiiqadu tahay wadaddii loo maray in la saxo ay mid waliba ay khaldanyid.

 

Xalku maanta waa  mid laba geesood ah (a two pronged solution)?

 

Xalka maanta waa mid laba geesood ah oo dawlad iyo shacbiga ku wajahan. Ka dawlad ahaan, waa inay dawladu  dhaliilaheeda iyo qalooca kor hoganaaya maamulka ee mugdiga galinya qarinimada dalka saxdo, qodobada kor ku xusan oo ay hoos u eegto iyo inay la timaado siyaasad cad oo ku horumarinayso dalka  oo horseeda shaqo abuurid loogu sameeyo dhalinta faraha badan ee shaqo la’aantu ku habsatay, xalna doorbiday  inay dalkooda ka tahriiban.

 

Ka shacbiga Somaliland, waa inay kor uga foofan siyaasadda ah in qaranimo iyo qabiil aanay ahyn laba is qaadi kara oo ka koraan dooda maalin walba warbaahinta ay la soo fadhiyaan ee ah reer SOSOG saami qaybsigii xukumada hada waa maqan yahay. Shacbigu ha ka fakiraan hana kula xisaabtamaan dawlada waxqabad  ku wajahan  horumarinta deegaamadooda.

 

Axmed Cabdi Ciise

Acadimic in Social Science

 

What is your thought on this article? Please email your comments directly to isseahmed@hotmail.com