Xaaladii ugu danbeysay ee dagaaladii ka dhacay Oog, Gowsaweyne iyo weliba God-heeli

God-heeli (SM) 23.08.2013 Kaddib markii ciidammo qaranka oo tiro badan la geeyey  degaannada Oog, Gowsaweyne iyo weliba God-heeli oo ah goobta shalayto ay ku laba beelood oo wada dega ayaa sida ay sheegeen wararka aannu ka helayno waxa ciidan-beeleedyadii labada dhinacba isugu gurteen magaalada Somcarro oo labadan beeloodba wada degaan. Waxana wararku sheegayaaan in ciidan-beeleedyadani magaalada labada dhinac (Gobabka iyo Togga) ka kala degeen gurmadkana isu urursanayaan halka sidoo kalena gudaha magaaladana ay ku wada qayilayaan ama ku wada jiraan. news

 

Sikastaba ha ahaatee inkastoo xiisaddii taagnayd shalayto ilaa xalay ciidammada qaranka  iyo mas’uuliyiinta kale ee halkaas xukuumadda ka joogaa wax weyn ka qabteen haddana xaaladda magaaladan lagu wada jiro ee ciidammadu isugu gurteen ayaa noqon karta mid dhibaato kale ka dhalato taasoo hadday dhacdo xaaladda circa kusii shareeri karta.

 

 

SII AKHRI

Dagaal shalay laba beelood ku dhex-maray degaanka  Gowsaweyne  ee gobolka sanaag  ayaa la sheegay inuu geystay khasaare nafeed iyo dhaawacba.

 

Siday sheegayaan wararka ka imanaya degaanka gowsaweyne  oo qiyaastii 40km galbeed  kaga beegan degmada garadag ee gobolka sanaag.  oo ku taala xuduudka waxa doraad uu dagaal ka dhex-qarxay Beelaha Cismaan iidle iyo Sacadyoonis. Isla markaana waxa uu dagaalkan oo galabnimadii shalay istaagay ka dhashay ka dib markii labada beelood ku heshiin waayeen nin bil ka hor la dilay, kaas shaqaaqada shalay dhacday ka bilaabantay.

 

Dhanka Kale Wararka aan ka Helayno Degaanka Loo Yaqaano Badweyn oo Waqooyi Ka Xiga Degaanka Oog iyo Gawsaweyne oo Dhowaan Dirir Ku Dhex martay Laba Beelood oo kala ah Cismaan Iidle iyo Sacadyoonis, ayaa La Sheegay in xalay Lagu dilay 2 Nin Isko Beel Ka soo jeeda.

 

Sida dadko Noo sheegen degaankaasi aya sheegaya inay Labada Nin ahaayen 2 nin oo Reer Guura ah, Laakin ay Heleen Ragg Hubeysani.

 

Geesta Kalena Degaanka God Heeli ayo Ciidanka Qaranka Kala Dhex Galay Beelahi Hallkaas Ku Dagaalamayay, iyado halkaas Odayaasha Beelahaasi wadaan Waan waan, Iyado aan la garan Karin Sidi Nabad Loogu Soo Dabaali laha Muranki Ka dhaxeeya Labadaan Beelood Ka dib Marki Xalay 2 Nin oo kale Lagu Dilay degaankaas Bad Weyn,

 

Siday wararku sheegayaan dagaalkan oo labada dhinac ay ku kala dhinteen ilaa sideed qof, ayaa sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad aan tiradooda la cayimin. Wararku waxay tibaaxeen in labada dhinacba uu jiro gurmad gaadhayay ka hor intii aanay dhibaatadu dhicin iyo ka dib, isla markaana waxa la sheegay inaanay weli jirin cid waan-waan muuqata ka dhex-wada labada dhinac.

 

 Warar kale, ayaa iyaguna tibaaxay inuu dagaalkani si keddis ahayd ku dhacay, isla markaana aanu muddooyinkii ugu dambeeyay xidhiidhka labdan beelood fiicanayn
 

Siciid Xirsi

Salaanmedia/Burco