Xafiiska qaarada Yurub ee XISBIGA WADDANI oo u Diraya Hambalyo ku Aadan Ciidul Fidriga Dhamaan Shacabka Somaliland:-War-saxaafadeed Oslo Norway.

 

Kulu Caam Wa-antum Bikhayr ,ciid mubark,,,,,

 Oslo Norway,  08,aug, 2013.. Gudoomiye ku xigeenka qaarada yurub ee XISBIGA WADDANI mudane Abdirahman Ahmed Farah (Al-maraaci)  ayaa halkan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda somaliland meel kasta oo ay joogaan.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xubnaha iyo maamulka XISBIGA WADDANI ee qaarada yurub, waxaan halkan Hambalyada Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada somaliland in uu Ilaahay ku gaadhsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad soonteen bisha barakaysan ee  Ramadaan” ayuu yiri Gudoomiyuhu oo dhanka kalana sheegay in. Ciidul fidiriga iyo Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta ah, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa farxad isugu yimaada bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,

“Waxaana halkan baaq uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadan Ciida dhamaan shacabka somaliland inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan inay qas ka abuuraan dalkooda hooyo ee somaliland ”

“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag,  Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada iyo aqoon yahanka doonaya isbadelka iyo horumaku ay taageeraan,codkoodana siyaan XISBIGA WADDANI oo ka dhabaynaya himiladooda  iyo horumarka somaliland”

Ugu danbayntii Gudoomiyaha ayaa sheegay in somaliland ay gaadhsiinayaan  haday yihiin XISBIGA WADDANI halkii aynu u soconay ee ahayd siyaasadwanaag, horumar,cadaalad, dhaqaale, iyo adeegayada  bulshada sida caafimaadka, tacliinta, biyaha iyo wadooyinka oo tayadooda kor loo qaado,, XISBIGA WADDANI waxuu ka shaqaynayaa  sidii ay muwaadiniinta Somaliland u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku doortaan XISBIGA  WADDANI si wadanka loo gaadhsiiyo horumar ka muuqda dalkooda oo dhan iyo cadaalad waarta,  ictiraafka somalilandna loo garaaco albaab kasta oo uu ku xidhan yahay ilaa inta laga gaadhayo calanka somaliland oo UN ka lulmaya …

 

Alaa mahad oo dhan leh

 

Cabdiraxman A Faarah (Al-maraaci).