Xafiiska XISBIGA WADDANI ee qaarada yurub war saxaafadeed

Waddani
Xafiiska XISBIGA WADDANI ee qaarada yurub war saxaafadeed ka soo baxay ayaa sheegay in ahmiyadeena Koowaad ay tahay xalinta khilaafaadka ka jira dalka somaliland xiligan. Gudoomiye ku xigeenka qaarada yurub Abdirahman A Farah (al-maraci) ayaa yiri XISBIGA WADDANI wuu ka xun yahay  iska horimaad kasta oo ku yimada dadka reer somaliland waxaanuna  ahmiyadda ugu horeysa siinaynaa sidii loo xalin lahaa khilaafaadka iyo iska horimaadyada ka jira dalka.

Gudoomiyuhu waxuu  hoosta ka xariiqay iney lagama maarmaan tahay in mar walba oo khilaaf yimaado lagu dadaalo sidii xal loogu heli lahaa waan-waan iyo wadahadalna loogu dhamayn lahaa muranada iyo shaqaaqooyinka dalka ka taagan.
“hadii khilaaf yimaado hala dagaalamo ma aha Siyaasadeennu ee waa hala wada hadlo,qofku xaq buu u leeyahay inuu wax ka cawdo,waxaana waajib ah in uu wanaaga wax ku doono qof kasta oo wax tabanayaa hadii uu ka tabanayo beel,, degaan ama dawlada.
 
Gudoomiyaha  ayaa ku celceliyey in xalku aanu ku jirin in wax walba lagu xaliyo dagaal iyo xabbad,wuxuuna tibaaxay in sida kaliya ee lagu gaadhi karo guul horumar iyo ictiraaf ay tahay in laga gudbo fikirada ku salaysan in xoog iyo dagaal xalka lagu gaadho.
 
Maareynta khilaafyadu (Conflict Management) waa nadaam isku xiran (systematic process) kaasoo higsanaya sidii loo heli halaa natiijo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada khilaafku ka dhexjiro, natiijo ku gacan siisa dhamaan ergooyinka si ay ugu howlgalaan si wanaagsan islamarkaana ay gaadhaan inay damiyaan ama xaliyaan khilaafkaa keenay iska horimaadka.
 
Ujeedada xalinta khilaafyadu waxay ka bilaabataa in hoos loo dhigo dhicida khilaafyada (curyaamiyayaasha) ah sida ka dadku ku dhinto ama ku dhawacmo (dysfunctional conflicts) islamarkaana la faafiyo falsafada ah in khilaaf walba oo dhaca loo xalin karo si hufan oo turxaan la,a, islamarkaana aan dhinacna ku ahayn jab ama  guuldaro  waa in uu noqdaa mid xoojiya walaaltinimada iyo wada daganaashaha beelaha walaalaha ah.
 
Mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan xalinta khilaafyadu waa dabeecada ka hor-taga (proactive nature) tani waa mid laga rabo in dawladu ay u taagan tahay inaanay abuurin jawi dhiirigaliya khilaafyada curmaayiyaasha ah. dawlada iyo dhamaan ergadaba waxa looga baahan yahay  xalal wada-guuleysi ah (Win-Win solutions). oo wadaniyiinta reer somaliland ku gaadhaan horumar ,,kalgacayl iyo walaaltinimo,,,,,,
 
Alaa mahad leh
Abdirahman A farah (al-maraci)

Â